Tuesday, September 8, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Diyaarad JAAD wadda oo ka timid Kenya ayaa ka degtay saakay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaddib markii shalay aysan ka dagin diyaaradaha jaadka, lana sheegay in Puntland ay uu ka Hir-galay go’aankii joojinta diyaaradaha Jaadka ee Dowladda Soomaaliya. Ganacsatada Jaadka, ayaa billaabay inay u dabaal-dagaan qaadka Gaalkacyo laga...
Mudaaharaadyo ka dhan ah amarka looga mamnuucay diyaaradaha qaadka Kenya geeya Soomaaliya inay qaad geeyaan Soomaaliya ilaa amar dambe ayaa ka dhacay Kenya gaar ahaan degmada Meru. Degmada Meru ayaa ah degmada qaadku kasoo go'o Kenya. Shalay galab ayaa waxaa mudaaharaadyo hareeyeen magaalada Maua ee degmadaasi Meru ayadoo beeraleyda iyo...
Markab hubeysan ayaa habeynkii Arbacada ku laayay kalluumeysato xeebta jaziirado kuyaala Soomaaliya. Ilaa labo kalluumeysato ah oo doonyo saarnaa ayaa halkaa ku dhintay 9 kalena waa dhaawacmeen kadib markii rasaas looga soo furay markabkaa shisheeye. Kalluumeysatadaa ayaa kasoo jeeda jaziiradaha Kudha iyo Madhawo iyo weliba mid u dhexeysa labadaa oo...
Magaalada Atlanta ee gobolka Georgia ayaa waxey ka mid tahay magaalooyinka waa weyn ee ay ku nool yihiin Soomaalida ku dhaqan wadankan Mareykanka, isla markaasna ay ku haystaan ganacsiyo kala duwan. Ka hor mudo 40 sanno ku dhow ayey dadkii ugu horeeyay oo Soomaaliyeed yimaadeen magaaladaan,iyagoona markii hore u yimid...
Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku baaqay in Afrika la maal galiyo asagoo sidoo kalena ku tilmaamay in Afrika ay tahay xarunta xigta ee koboca dhaqaalaha caalamka. War murtiyeed Isniintii ka soo baxay aqalka madaxtooyada ee Uganda ayaa Madaxweyne Museveni ku tilmaamay xaalada Afrika mid aad u wacan inkastoo...
Wasiirka waxbarashada dowlada Soomaaliya Dr Cabduqaadir Cabi Xaashi ayaa heshiis dhanka waxbarashada ah magaalada Qartum kula gaaray Drs Sumaya Abuu Kashwah oo ah Wasiirka Wazxbarashada ee dalka Sudan. Heshiiskaasi  ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka  wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyadoo wasiirka waxbarashada Dowladda Soomaaliya uu sheegay in...
-Sida lagu daabacay saakay barta wararka ee mid ka mid ah wargeysyada Nairobi kasoo baxa, Guddoomiyaha  Meru oo ah deegaanka lagu beero qaadka Kenya ayaa sheegay in naftiisu halis ku jirto kadib markii diyaaradihii qaadka laga mamnuucay Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya inay khaarajiyaan maadaama uu aad uga hadlaayay...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada toddobaadyada soo socda ka billaabanaysa Soomaaliya. Wareegtadan ayaa quseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Cusub iyo Doorashada Madaxweynaha. Sida ku xusan...
Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar oo Maanta Dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne, ayaa kasoo hor-jeestay shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh. Dhexe, isagoo dhinaca kale fariin u dirray DF iyo urur gobolleedka IGAD. Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo soo hadal qaaday arrinta la xiriirta...
Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa maalintii labaad si habsami leh uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu Shir-guddoominayo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke, RW xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo madaxda maamul-goboleedyada...