Tuesday, September 8, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dacwada kusaabsan muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa beri inay ka bilaabato maxkamada caalamiga ah ee kutaala the Hague, dalka Holland. Dacwadaa oo bilaabanaysa Isniinta beri ah ayaa waxaa ay socon doontaa maalmaha dhowrka ah ee soo socda.  Kenya ayaa muran ka keentay xarriiqa xadka...
Qarax xooggan ayaa ka dhacay New York dalka Mareykanka halkaas oo ugu yaraan 29 qof ay ku dhaawacmeen. Hal qof ayaa dhaawacaa ugu daran oo dhaawaciisu halis yahay. Qaraxa ayaa yimid hal asbuuc kadib sanad guuradii 15aad ee 9/11. Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Chelsea ee xaafada Manhattan abbaare 8:30 xalay...
-Dagaalo ayaa ka dhacay deegaano hoos taga Buur Hakaba, gobolka Baay. Dagaalada ayaa waxay salka ku hayaan dhul beereed lagu murmay. Dagaalada oo in dhawaale dhacayay ayaa u dhexeeya jilibyada beel weyn oo deegaankaa dagta. Sidoo kale ayaa waxaa lagu soo waramayaa in weli haatan oo aanu maqaalkaan qoreyno xiisado colaadeed...
Hoggaamiyaha aqlabiyada ee Kenya Aadan Ducaale oo ah nin Soomaalida Kenya ah ayaa ugu baaqay xoolaleyda Kenya gaar ahaan dhanka waqooyi ee Kenya inay nabad ku wada noolaadaan ayna joojiyaan colaado dhawaan dhacay. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in si dagdag ah loo qabto shir nabadeed kaasoo loo qabanaayo...
Siyaasiyiin ah oo la magac-baxay isbaheysiga isbadal sameynta Soomaaliyeed oo shir jaraa'id ku qabtay Beledweyne oo ay shalay soo gaareen, ayaa siweyn u dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Max'uud. Bayaanka isbaheysiga kasoo baxay, ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay C/qaadir Barnaamij oo ka mid ahaa...
Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod Aqlabiyad ah ku ogolaaday maanta go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku kala saaray labadda doorasho ee Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda, isla markaana doorashada Baarlaanka dib loo dhigay wakhtigii qorshuhu ahaa inay wada dhacaan. Kalfadhigaan maanta Waxaa shir-guddoominayey gudoomiye kuxgeenka kowaad ee golaha Baashe Maxamed Faarax, waxaanu Cod...
Warar haatan soo baxay ayaa sheegaya in khasaarihii dhimasho ee ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Ceel-waaq uu sii kordhayo. Ciidamada Kenya ee KDF ee AMISOM iyo ciidamada dawlada ayaa sheegay in ay halkaa ku dileen ilaa dhowr iyo soddon ka tirsanaa Al-Shabaab.  Majiro warar madax bannaan oo sheegashadaa xaqiijiyay. Sidoo...
Ciidanka Kenya ee ka tirsan AMISOM, ayaa sheegay in xoogag ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen Toddobaadkaan Gobolka Jubadda Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Millateriga Kenya ayaa sheegay 33 ka tirsan xoogagga Al-shabaab lagu dilay hawl-gallo ka dhacay deegaannada Goobweyn iyo Wirkooy oo ku dhow xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo. Sidoo...
Kadib wax yar oo xarakada Al-shabaab ay gacanta ku haysay magaalada Ceel-waaq ee Gedo Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada dawlada oo rogaal celis ah ay halkaa ka saareen. Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ayaa lasoo sheegayaa oo rogaal celis ah inay magaaladaa dib u qabsadeen. Wakaalada...
Weerarka oo ay saldhiga ku qaadeen saddex dumar ah oo Soomaali ahaa ayaa lala xiriirshay Daacish ama ISIS. Baaritaan ayaa la bilaabay kaasoo la sheegay in weerarka looga gol lahaa in lagu carqaladeeyo hawlgalada dawlada. Afhayeenka dawlada Kenya Eric Kiraithe ayaa sheegay inay sababtu taa ahayd iyo wixii ay u...