Deegaanka Ceel Cali oo lagu soo waramayo in lagu diley dad rayid ah nabadoonana ay ku jiraan.

0
577

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan oo maalintii shalay isaga baxeen ciidammada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Dadka deegaanka oo siyaabo kala duwan warbaahinta xiriir u la sameysay ayaa sheegay in afarta ruux ee la dilay labo ka mid ahaayeen laba nabadoon iyo laba ruux oo kale oo shacab ah, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay xiriir la lahaayeen ciidammadii meesha isaga baxay.

Sidoo kale, Xoogagga Al-shabaab ee deegaanka la wareegay qab qabteen tiro dad ah oo ka mid ah deegaanka Ceel Cali, lamana oga sidda ay ka yeellanayaan dadka u xir xiran.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak