Tuesday, September 8, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Midowga Yurub ayaa balaayiin shilinka Kenya ah ugu deeqay ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga. Lacagtaa ayaa lagu bixin doonaa mushaaraadka AMISOM. Qarashkaa ayaa dhan ilaa 20 bilyan oo shilin Kenya ah. Hishiis lacagtaa deeqda ah kusaabsan ayaa Khamiistii lagu duugay qalinka. Waxaa sidoo kale AMISOM laga siin doonaa lacagtaas gunooyinkoodii 9kii...
Gabar 25-sano jir ah, ayaa noqotay Madaxa Maamul Muxalli ah oo Fadhigiisu yahay Gobol Muslimiintu u badan yihiin oo ku yaalla Woqooyiga Dalka Nigeria. Haweeneydan oo lagu magacaabo, Hindatu Umar ayaa noqonaysa Gabadhiii u horreysay, isla markaana ugu da'da yar oo xil ka qabta Magaalada Argungu oo k tirsan Gobolka...
Maxkamad ku taalla Dalka Hindiya ayaa dil toogasho ku xukuntay 50 qof Soomaali ah, kuwaasoo ka mid ahaa 119-ruux oo horay Dowladda India ku sheegtay inay ahaayeen burcad-badeed. Afar hawlgal oo ay intii u dhexeysay 2011-kii illaa 2013-kii ka sameeyeen Ciidanka badda dalka Hindiya xeebaha Somalia ayay kusoo Qab-qabteen Dhallinyaro...
Xeer-ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa qiray in MOU ay saxiixday Xukuumadii RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke Sannadkii 2009-kii ay ku saxsanayd, Arrinkaasna ay mudan tahay in lagu amaano. Xeer illaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa hore u eedeynayey dadkii saxiixey heshiiskaas,waxaana lagu soo waramayaa in uu u kicitimey dalka...
Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Mareykanka, ayaa shaacisay in shirkad lagu magacaabo - Oshkosh ay gashay heshiis ay ku kacayo nus malyuun doollar, kaasoo gaadiid dagaal ay uga iibineyso Wadamada Somalia, Kamaruun iyo Ciraaq. Sidoo kale, Pentagon-ka ayaa sheegtay in shirkadan ay hawshan ku dhammeyn doonto illaa dhammaadka bisha July 2018-ka. Inkastoo...
Madaxweynahawaqtigiisu dhamaadey ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday sannakdan shirka guud ee QM, kaasoo hadda ka socda New york, Laakiin waxaa ku metelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar. Hadliye, ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Fadhiga Golaha Guud ee QM, wuxuuna wasiirku jeedin doonaa...
Ugu yaraan 4 qof ayaa toogashu lagu dilay gudaha gobolka Washington ee dalka Mareykanka. Tiro kale oo dad ah oo inta ay dhan yihiin la ogeyn ilaa iminka ayaa dhaawac ah. Weerarkaa ayaa dhacay xalay fiidkii wuxuuna ka dhacay goob laga dukaameysto. Booliska ayaa sheegay in falkaa qof geystay oo ay...
Doodii labaad ee dhanka Soomaaliya ee muranka badda ayaa shalay soo xirtay dhagaysigii dacwadaa oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka socotay maxmada ICJ ee magaalada the Hague, Netherlands. Kenya ayaa ku doodeysay inaysan maxkamadaasi ICJ aysan kiiskaa dhageysigiisa qaadi kareyn. Balse darafka Soomaaliya ayaa ku andacoonayay in maxkamadu ay...
-Maanta ayaa dhanka Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa doodiisa ugu dambeysa ee ku aaddan muranka badda ee ay dacwadiisa qaadeyso maxkamada ICJ, the Hague Netherlands. Dooda ayaa socotay dhowr maalmood ayadoo soo bilaabatay maalintii Salaasada. Badda la isku hayo ayaa dhan 42,000km2.  Go'aanka maxkamada ayaa noqon doona kama dambeys. Hadii maxkamadu ay...
Shirkada Yahoo ayaa sheegtay in burcada internet-ka ah oo "dawlad taageero ka haysta" ay xadeen macluumaadka 500 milyan oo ciwaan, taas oo u muuqata in ay tahay xatooyadii ugu baaxad waynayd ee la shaaciyo marka laga hadlayo taariikhda xatooyada dhanka internet-ka. Xatooyadaas, Waxaa ka mid ah Macluumaad badan oo shaqsiyaad...