Waxaa allaha u naxariistee fiidnimadii caawa lagu diley degmada Hodan ee g/banaadir G/SARE Siyaad Maxamed Cabdi oo ka tirsanaa ciidanka xogga dalka soomaaliyeed Guutada degen Laantabuuro.
EX korneyl Siyaad Maxamed Cabdi ayaa waxaa rag hubeysani ku dileen agagaarka iskuul DHagaxtuur ee ku yaal degmada Hodan waxaana goobta soo gaarey markii...
Weerarkan oo noqonaya kii ugu culsaa oo wayadii ugu danbeeyay lala eegto AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa lagu qaaday Saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin xaafadda Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledwene.
Qof ku sugnaa goob aan ka fogeyn saldhiga la weeraray HOL u sheegay in gaari UD ah oo dusha...
Xasan SHeekh Maxamuud oo si kulul u cambaareeyey Qaraxii lagu weerarey saldhiga C/Jabuuti ee B/weyne
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si kulul u Cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Galbeedka Degmada Beledwyeyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
“Inaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Qoysaska iyo Ehellada intii ku Geeriyootay Weerarkii Argagaxiso ee Maanta magaalada Baladweyne ka dhacay. Waxaana...
Dabley loo maleeyay Al-Shabaab ayaa xaafada Waaberi ku dishay sargaal ka tirsanaa nabad sugida oo la oran jiray C/Caziiz Caraaye.
C/Caziiz Caraaye ayaa dableydu toogteen asagoo kusoo jeeday masaajid shalay goor dambe sida boolisku sheegay. Ismaaciil Xuseen oo booliska ka tirsan ayaa dhacdadaa u xaqiijiyay warbaahinta.
"Goobtii lagu dilay ayaan tagnay...
Xukuumadda Somaliland, ayaa Baaq nabadeen ah u diray dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya magaaladda Gaalkacyo ee labadda Maamul-goboleed ee Galmudug iyo Puntland isku haystaan, waxaanu madaxweynaha Soomaaliya u soo jeediyeen inuu wax ka qabto dhibaatadda maalin walba ka dhacda Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa...
Ugu yaraan 4 qof ayaa lagu dilay Mandheera ugu yaraana waxaa halkaa lagu dhaawacay 4 kale.
Dabley hubeysan oo loo maleeyay inay Al-Shabaab ka tirsan tahay ayaa xalay weerartay hoteelka la seexdo ee Bishaaro Lodge ee magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Dadka la laayay ayaan u dhalan degmadaa balse kasoo...
Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo saakay dib uga qarxay Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaasoo weli socda, iyadoo dagaalladu ay weli socdaan.
Tirada dhimashada dagaalka maanta ayaa waxaa HOL u xaqiijiyay Ilo lagu kalsoon yahay, iyadoo dagaalkaan...
Dr. Yaxye Yuusuf Xaaji Cali oo ka mid ah xubnaha u tartamaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Beledweyne ayaa la xirray qadar kooban, xili uu ku sugnaa Baar Xasan Dhiif ee magaalada Beledweyne.
Dr Yaxye ayaa la sheegay in xarigiisa ka hor uu la...
Guddiga Doorashooyinka Dadban, ayaa sheegay in la guda-galay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhowaan la xareyn doono Ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Sannadkan, Avv. Cuma Dhagey ayaa sheegay in maamul-goboleedyada Somalia ay billaabaan soo Gudbinta liisaska ergooyinka, isagoo ugu baaqay maamullada kale...
Musharrxii ugu Codka badnaa Xubnihii Aqalka Sare ee dhawaan lasoo doortay ayaa noqday Ilyaas Xasan Cali oo lagu doortay 91-cod, waxaana uu doorashadiisii uga warramay Radio SBS - Laanta Afka Soomaaliga ee Dalka Austalia.
Haddaba, Ilyaas Xasan Cali oo laga soo doortay maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, wuxuuna ahaa xubintii labaad...

















