Sanad kadib weeraradii Faransiiska oo maanta la xusuusanayo.

0
531

Maanta ayaa waxay ku beegan tahay sanad kadib weeraradii Paris France ka dhacay.

Weeraradaa ayaa lagu tilmaamay weeraro argagixiso waxaana la sheegay in dad badani ku naf waayeen. Waxaa sidoo kale la sheegay in dad badan oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Weeraradaa ayaa waxaa dadka dhintay lagu sheegay tiradooda 130 qof.  Dadkaa ayaa 89 ay ku dhinteen weerar lagu qaaday meel lagu dhigo aflaanta iyo riwaayadaha oo loo yaqaano Bataclan.

Meeshaa loo yaqaano Bataclan ayaa haatan dib loo furay. Dad aad u badan oo kasoo qeyb galay xafladii furitaanka ayaa daqiiqad aamusnaa ayadoo looga gol lahaa in lagu soo xasuustoo dadkaa dhintay ee halkaa lagu laayay.

Waxaa kaloo dadkii halkaa soo xaadiray saaka ay uruuriyeen qarash loo meel dhigayo dadkii weeraradaa ka badbaaday amaba dhawaacyo ka soo gaareen.

Dhanka kale, waxaa wali la dabiibayaa dad cudurada dhimirka ka qaaday ama shoog weeraradaa.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak