Ilaa 20 qof oo ah la-tuhunsaneyaal laga shakiyay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin ayaa waxaa ciidamada ammaanku ku xireen Muqdisho habeynkii Axadu soo galaysay.
Dadkaa ayaa lagu soo qabqabtay hawlgallo ciidamada ammaanku ka sameeyeen qeybo ka tirsan caasimada Muqdisho. Taliyaha booliska Banaadir, Bashiir Abshir Geedi ayaa saxaafada u sheegay in...
Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan ay kabiloowdaan ciyaaraha qaboobaha oo ay kaqeybgali doonaan ilaa sideed kooxood oo Soomaali ah too kakala socda qaar ka tirsan gobolada Mareykanka iyo Canada.
Ciyaarahaan oo socon doona muddo afar cisho ah ayaa waxey bilaaban doonaan...
Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya iyo taliyayaasha ciidammada nabad-sugida iyo booliiska Soomaaliyeed.
Wafdiga oo uu horkacayo guddoomiyaha guddiga doorashada Cumar Dhagey ayaa waxaa ka mid ah taliyayaasha ciidammada booliiska iyo nabad-sugida Jen Max'ed Sheekh Xassan Xaamud iyo C/llaahi Gaafoow...
-Booliska Mandheera ee Waqooyi-bari Kenya ayaa sheegay inay baajiyeen weerar argagixiso.
Waxay sheegeen inay weeciyeen weerarkaa kadib markii dabley weerarkaa maaganeyd ay ku weerareen degmo-hoosaadka Ceelwaaq oo isla degmada Mandhera ka tirsan.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha degmada Mandheera Fredrick Shisia in ciidamo ay weerareen koox ka tirsan Al-Shabaab 6dii aroornimo ee shalay.
“Subixii...
Madaxweynaha Koonfur-Galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu la hadlo cid walba oo tabasho ka qabta arrimaha doorashada, isla markaana ay qanciyaan.
Shariif Xasan ayaa sheegay in maamulkiisu uu doonayo in shacabka ku nool degaannada Koonfur-galbeed ay doorashooyinkooda ku qancaan, Shacabkana si wanaagsan...
Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somalia ka tirsan ayaa ku geeriyooday, toddoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray Qarax miino oo goor-dhaw ka dhacay agagaarka bacadlaha Degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa miino goobta lagu sii aasay, isla marakana...
Wakiilka QM ee Somalia, Micheal Keating ayaa ugu baaqay Maamul-goboleedyada dalka in ay Dar-dar-geliyaan Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee ka socota xarumahooda, isagoo soo dhaweeyay sida ay Doorashadu ku socoto.
Danjire Keating oo War-fidieenka kula hadlayay Magaalada Baydhabo, kaddib kulan Gaar ahaa oo uu la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif...
Taliyaha Hogaanka howlaha Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cali Xirsi barre Cali gaab, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa beeniyey Warar been abuur ah oo ay baahiyeen qaarkamid ah Warbaahinta Maxaliga ah oo ku saabsanaa in kabadan 300 oo Askari oo booliska ka tirsan in Shaqada laga eryey arrintaas ayuu...
Rag hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Beledweyne ku dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Bocor Axmed, sidda HOL u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Ganacsadaha ayaa la sheegay in lagu dillay galbeedka magaalada Beledweyne meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee lagu kala iibsado xollaha, waxaana dilkiisa lala...


















