
Danjiraha xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Miichael Keating ayaa kulan albaabada u xirnaayeen la qaatay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka iyagoo ka wadahadlay go’aankii dhowaan ay soo saareen guddiga.
Danjiraha iyo guddiga ayaa lagu waramayaa in ay ka wadda hadlleen arrimo la xiriira go’aankii dhawaan ka soo baxay oo ay ku laaleen 11 kursi oo ka mid xildhibaanadii lagu soo doortay gobollada kala gadisa ee dalka, kaddib markii kuraastaa lagu eedeeyay in ay ku soo baxeeen hab aan wafaqsaneyn nidaamka doorashada.
Lama oga waxa ay isku soo qaadeen guddiga iyo danjiraha QM, kaddib markii go’aanka soo baxay uu buuq siyaasadeed iyo khilaaf hor leh ka dhax abuuray guddiga doorashada dadban ee heer federaal iyo maamul gobolledyada oo ku gacan-seyray.
Ugu danbeyntii, beesha caalamka ayaa kol hore ugu baaqday hogaamiyayaasha madasha wadda tashiga in ay si dhaw ula shaqeeyaan guddiyada kala gadisan ee doorashada loona daayo go’aamada ay qaataan.








