Prof.Jawaari oo Markale xusul duub ugu jira in uu noqdo Gudoomiyaha Barlamaanka Soo socda.

0
532

Iyadoo lagu wado in la doortay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ee sanadkan 2016ka, ayaa dhinaca kale waxaa soconaya olale ballaaran oo loogu jiro qabashada hogaanka sare ee baarlamaanka.

Waxaana soo if baxaya in Doorashadii dadbaneyd ee 2016 ay isu bedeleyso 2017,waxeyna u muuqataa Prof. Jawaari afar sano ka hor markii uu xilka gud.Barlamanka noqonayey cid si toos ah kula loolameysey ma jirin Qarashaad kaga baxey ololihiisii wuu yaraa hadase waxaa jira rag cusub oo damac kaga jiro Gud.barlamaanka soo socda taas oo jawaari ku qasabtey in xilligan uu bilaabo Olollihiisa uu kursiga ku xaqiijinayo.

Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen wasiirro ka tirsan xukuumadda, xildhibaano, siyaasiyiin, aqoon-yahanno, haween iyo dhallinyaro kasoo jeeda deegaannada maamulka Koonfur-galbeed, ayaa lagu taageeray in uu mar kale isku soo sharxo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay mustaqbalka deegaanada maamulka Koonfur-galbeed iyo waxyaabihii u qabsoomay Maamulka uu hoggaamiyo Shariif Xasan, mudadii labada sanno aheyd ee uu xilka hayay.

Siyaasiyiintii, Haweenkii iyo Aqoonyahanadii kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari inuu isku soo sharaxo xilka Guddoomiayaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Shariif Xassan uu ku guuldareystay in maamulka lagu baahiyo guud ahaanba deegaannada Koonfur galbeed, walina howlaha maamulka aysan dhaafsiisneyn magaalada
Baydhabo.

Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Daljir Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in Shariif Xasan uu ku guuldareystay in uu maamulka Koofur Galbeed oo aan dhaafsiisneyn sidda ay siyaasiyiinta sheegeen magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in Shariif Xasan uusan ka dhabeyn balan-qaadyadii uu horay ugu sameeyay shacabka Koofur Galbeed.

Khaalid Cumar Cali oo ah wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Shariif Xasan uusan wax horumar ah gaarsiin maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Aadan Saransoor ayaa isna sheegay in Shariif Xasan uusan u soo jeedin horumarinta deegaanada Koofur Galbeed, isla markaana ay u ka fikirayo sidda uu hadalka u dhigay hansiyaasadeed oo ay adag tahay sidda uu ku gaaro.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka laga akhriyay war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo looga hadlay mustaqbalka Koofur Galbeed iyo in uu u baahan yahay badbaado.
warsom2011@gmail.com

hormuud-logosalaam-bankbeccotabaarak