Madaxweynaha dalka Turkigaa Recep Tayyip Erdogan ayaa fariin digniin ah u dirray midowga Yurub, isaga oo sheegay in boqolaal kun oo muhaajiriin ah ku fasixi doono Yurub haddii midowga uusan joojin hanjabaadaha ka dhanka ah dalkiisa.
Hadalka ayuu ka sheegay Erdogan shir ku saabsan cadaalladaa haweenka oo lagu qabtay magaalada...
Magaalada Atlanta oo uu gaarey Safiirka soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka iyo ciyaaro billawdey.
Safiirka Soomaaliyeed ee fadhigiisu uu yahay Magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa soo gaaray magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia oo 24-kii bishaan ay ka bilowdeen Ciyaaraha Kubada Cagta iyo Koleyga ee dhalinyarada Soomaaliyeed.
Safiirka, ayaa duhurnimadii Khamiista waxaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee...
Kooxaha dabdamiska ayaa la tacaalaya siddii ay u damin lahaayeen dab ballaaran oo ka kacay agagaarka magaalada Haifa ee dalka Israa'il, waxaana lagu waramayaa in dabku yahay mid saameyn weyn yeellanaya.
Kooxaha gurmad qaarkood ayaa sheegay in qeyb ahaan hadda dabka la xameynayo, walloow meellaha qaar wali laga sii arki...
Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal Avv. Cumar Max'uud C/dulle ayaa sheegay in baarlamaanka cusub looga fadhiyo waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in howsha guddiga doorashada dadban ku eg tahay marka la tiro uu ku buuxsamayo kooramka baarlamaanka cusub oo la wareegi doona go'aan ka gaarista waqtiga...
Dawlada Somaliland ayaa shaacisay inay si toos ah u bilaabeyso sahanka shidaalka ayada qudheedu.
Somaliland ayaa awal waxaa shidaal baaris ka waday shirkado dalal shisheeye laga leeyahay. Wazaarada Macdanta ee Somaliland ayaa qirtay in haatan ay hawshaa ka caawin doonto shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay.
Shirkadaa ayaa si kastaba ha ahaatee...
Dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed ayaa goor dhaw ka qarxay deegaan 6km dhinac galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaafiicda iyo rasaasta culus oo ay adeegsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda ayaa laga maqlayaa xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, waxaana dad ku dhaawacmay dagaalka qaarkood...
Iyadoo waqtigan la joogo gabangabada waxa loogu yeerey Doorashada dadban ayaa waxaa isa soo tareysa qeylo dhaan la xiriirta sida ay wax u socdaan iyo musuqa hareeyey doorashada dadban ee 2016ka.
Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa hore waxa ay u sheegeen in aan doorasho lagu tilmaami karin waxa loogu yeerey...
Illaa hadda waxaa maamulka K/galbeed kasoo baxey xildhibaanada aqalka hoose oo gaaraya 43 xildhibaan waxaana Xildhibaano hore ah 32 xildhibaan halka 11ka kale ay yihiin kuwo cusub hadaba akhriso shaxda oo tilmaameysa tirada iyo beelaha ay ka kala yimaadeen xildhibaanada K/galbeed oo 69 kursi uu maamulkaasi soo dooranayo.
Tartan iyo loolan adag ayaa mar kale loo geli doonaa kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee taala Jowhar, iyadoo mar kale ay dhici doonto lacago badan oo lagu qarash-gareeyo hal kursi oo loolankiisa uu xamaasad iyo xiftaal aad u adag uu ka jiro.
Kursiga Beesha Xawaadle/Agoon ayaa lagu...
Sarkaal ka tirsanaa illaalada Safaaradda Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, ayaa Maanta lagu dilay Qarax lala eegtay Gaari uu watay oo marayay isgoyska Manaboolyo ee Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa xaqiijiyay in sarkaalkan gaari uu watay lala beegsaday Qarax, isaguna uu goobta ku Naf-waayay, gaariga oo...


















