Tan wixii ka danbeeyay doorashadii guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, waxaa si xowli ah magaalada Muqdisho uga soconaya kulamo hoosaadyo iyo shirar ay leeyihiin xildhibaannada baarlmaanka Soomaaliya oo u diyaargaroobaya doorashada madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo bartamaha bishan.
Xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig oo dhawaan looga adkaaday doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya...
Gudoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya md Cali Maxamed Nuux Timajilic ayaa Hambalyo iyo bogaadin u direy gud.kuxigeenada cusub ee barlamaanka 10'aad md C/weli Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad isagoo ugu hambalyeeyey Xilka cusub ee loo doortey,isagoo u rajeeyey hufnaan karti iyo hugaamin wanaagsa in ay la imaan doonaan illaahna...
Maqaalkan waxaan ku falanqeynayaa aragtideyda ku aadan doorashada Guddoomiye Ku-xigeenada Baarlamaanka waxa ay ka dhigantahay, sababaha Mudey iyo Mahad u sahashay inay guuleystaan iyo siyaasadaha ku xeeran tartanka doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.
11kii January 2017 waxaa la doortay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, maanta oo ah 12kii January waxaa la doortay...
Waxaa la soo gabagabeeyay wareegii koowaad doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ah doorasho aad u adag.
Wareegga koowaad ayaa waxaa codadka ugu badan hellay xildhibaan Cabdi Weli Sheekh Ibraahim Muudey oo helay 111 cod iyo Faarax Cabdulqaadir oo helay 94 cod.
Musharixiinta ayaa codadka sidan u kala hellay :
Xildhibaan C/wali Sheekh...
Wali waxaa xeryaha Dhadhaab ka socda baaritaanka faraha si loo xaqiijiyo Kenyan-nimada dad aad u badan oo Soomaalida Kenya ah oo waa hore xeryahaa isaga diiwaan galiyay qaxooti ahaan si raashin iyo cawimaad kale ay u helaan.
Muddo labo asbuuc ah ayaa hawshaasi sii soconaysaa. Kenyan badan oo sagaashameeyadii abaari...
Dawlada Imaaraadka ayaa si rasmi ah u dooneysa ogolaansho in loo siiyo inay saldhig militari ka dhex furato Somaliland.
Arinkaa ayaa waxaa ay uga gol leedahay dawlada Imaaraatka Carabtu inay saamayn weyn ku dhex yeelato gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaanba qaaradaan Afrika.
Dhawaan ayaa dawlada Imaaraatku la saxiixatay Somaliland qandaraas...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad culus uu ku dhaxmaray Al-shabaab iyo xoolo dhaqato deegaan bariga uga beegan degmada Jowhar.
Iska horimaadka ayaa ka bilaawday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah kadib markii xoolo dhaqato isku dayeen in ay miino ka saaraan waddo isku...
Ururka Hiil Naafo oo ka tirsan ururada tirada yar ee u dhaqdhaqaaqa xaquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhibaatooyinka heysta dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.
Dhibaatooyinka uu Hiil Naafo ka hadlay ee heysta dadka naafada ah ee dalka ayaa noocyo badan.
Guddoomiyaha Hiil Naafo Axmed Maxamed Cilmi...
Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in xarunta gollaha shacabka ay ka dhacdo doorashada guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.
Musharixiinta u tartamaya xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ayaa maanta hortagi doona xildhibaannada waxaana mid walba oo ka mid ah uu rajeynayaa in uu codka kasoonida...
Maxkamad kutaala dalka Masar ayaa xannibtay hanti ay leeyihiin ururo samafal.
Labo urur oo ka shaqeeya arimaha gargaarka iyo dadkii aasaasay ayaa shalay hantidoodii lala wareegay oo dawladu xayirtay. Arinkaa ayaa waxaa cambaareeyay QM.
Labadaa urur ayaa kala ah Nazra for Feminist Studies iyo Arab Penal Reform Organization.
Labada qof ee aasaasay...


















