Saturday, September 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa ugu baaqay xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya in ay ka taliyaan masiirka umadda Soomaaliya, xili ay soo dhawday doorashada madaxweynaha. Waxaa uu sheegay in xildhibaannada maanta gacantooda ay ku jirto sida uu hadalka u dhigay badbaadinta umada Soomaaliyeed, islamarkaana looga...
Guddoomiyaha guddiga doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi Jaamac Max’ed Khalaab ayaa faahin dheeraad ah ka bixiyay sababta keentay in hakiyo soo xulista xubnaha ka dhiman aqalka sare ee gobollada W/qooyi. Jaamac Max’ed Qaalib ayaa sheegay in khilaafku yahay mid salka ku haya doorashada ama soo xulista shanta karsi...
Hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in maalinta beri ah dalka Soomaaliya ay kusoo celineyso qaxooti badan. Ku dhawaad 500 oo qaxooti Soomaali ah kuna sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayay hay’addu sheegtay inay kusoo celin doonto gudaha dalka Soomaaliya. Dadkaasi ayaa badankood la qorsheynayaa in la geeyo...
Xildhibaanno ka tirsan maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa eedeyn ballaaran u jeediyay guddoomiyaha baalamaanka mamaulka Cismaan Barre Max’ed oo ay ku eedeeyeen in uu kalfadhigii baarlamaanka u wareejiyay magaalada Muqdisho. Xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa Khamiistii ina dhaaftay todobadkii hore ka sheegay magaalada Jowhar in hogaanka sare ee maamulka madaxweynaha...
Hal askari ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen israsaaseyn ku dhaxmartay suuqa xoolaha degada Jowhar ciidamo ka tirsan dowladda. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in israsaaseynta labada dhinac ka timid kadib markii mid ka mid ah askarta dowlad uu jirdil u geystay nin dhalinyarro ah darawal...
Waxaa waayadii waxaa sii kordhayay dilalka rag ku labisan dareyska ciidamada dowlada Soomaaliya kula kacayaan dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka yar yar ee Mooto Bajaajka oo siweyn looga isticmaalo magaalada Muqdisho. Subaxnimadii hore ee saakay ayaa degmada Wadajir waxaa toogasho lagu dilay mid ka mid ah darawlada ku shaqeysta gadiidka Mooto...
abaar ba'ani ay ka jirto qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah ayaa waxaa iminka dadka degmada Buurdhuubo ay ka cabanayaan abaar aad u ba'an oo soo wajahday. Xilliyo roobeedkii lasoo dhaafay ayaa roobabku yaraayeen ama ay baaqdeen sidaa darteed ayaa abaartu aad u daba dheeraatay qeybo badan oo Soomaaliya ah....
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cismaan Jawaari ayaa beeniyay in uu khadka talleefoonka uga qeyb-galay kulan ay yeesheen hogaamiyayaasha madasha oo looga hadlayay xiisada siyaasadeed ee Galmudug. Warka ku saabsan in uu guddoomiye Jawaari beeniyay ka qeyb-galka kulanka madasha ee khadka talleefoonka ayaa la soo dhigay bogga Twitter –ka ee...
Wasiirka arimaha gudaha dowlada gobolleedka Galmudug Jaamac Xasan Salaad, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug oo sheegay in uu xilkii ka qaaday. Wasiirka ayaa si cad uga hor yimid wareegtada madaxweynaha, isaga oo sheegay in baraha bulshada ee Internetka uu ku arkay wareegtada...
Dowladda Mareykanka ayaa Kenya uga digtay suura galnimada weeraro Al-shabaab qorsheynayaan in ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mareykanka. Warka ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi laga qabo weeraro Al-shabaab ka geystaan magaalooyinka dhaca xeebaha dalka Kenya. War ka soo...