Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu xalay ka dhacay deegaanka Muuri.
Dagaalka ayaa dhacay kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisin ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaas.
Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Muuri ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaanka, xaaladuna ay tahay mid iminka degan.
Ugu danbeyntii, Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayeen xeryaha ciidamada, todobaad ka hor ayay aheyd markii ay weerareen deegaanka Kulbiyow oo ay saldhig ku lahaayeen ciidanka Kenya.
warsom2011@gmail.com