Saturday, September 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii shalay lagu dhawaaqay ayaa isla maanta shaaciyay jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Gudiga ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha la qabanayo 8bisha Fabaarayo oo maalmo kooban uu ka harsan tahay. Gudiga ayaa maanta guddoomiye u doortay xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beylle. Akhriso...
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, wasiirka Ganacsiga, wasiir ku xigeenka Maaliyadda iyo Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa ka hadlay taalooyinka laga qaadayo sicir bararka jira iyo amaawiir ay ka soo saareen shirkadaha waaweyn ee sarifka oo rusqadihii ay ku shaqaysan jireen lagala noqday. Sidoo kale, Taliyaha booliska C/laahi Fadal Iimaan...
Kulan ay maanta ku wada yeesheen madaxweynaha, saddexda xisbi qaran, guddida doorashooyinka ayaa lagu heshiiyey in muddo toddoba bilood ah dib loo dhigo doorashadda, isla markaana loo mudeeyo in doorashadda madaxtooyaddu dhacdo  10/10/2017, halka doorashada Wakiiladda iyo deegaanka loo mudeeyey inay dhacdo 10/10/2018. Go’aankan madaxtooyadda si wada jir ah uga...
Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen  iyo xoghaye guud,  kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha ayaa loo doortay C/raxmaan Ducaale Beylle, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,  siddoo kale xog-hayaha gudiga ayaa noqoneysa xildhibaan Maryan Axmed...
Saraakiil ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya ayaa sheegay in la soo afjaray weerarkii hoteelka Dayax, waxaana jira khasaare ballaaran oo ka dhashay qaraxyada saakay dhacay iyo weerarka kooxaha dableyda ah ay ku qaadeen hoteelka Dayax. Tirada dhimashada ayaa lagu waramyaa in ay ku dhawdahay 20 ruux, halka sidoo ay  jiraan...
-Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidamo dheeraad ah si dagdag ah loogu soo biiriyo xoogagga AMISOM. Ururka midowga Afrika ee AU ayaa sheegay in ilaa 4 kun oo askari oo dheeraad ah loo baahan yahay in lagu soo kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha...
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar ismiidamin ah oo subaxnidii hore ee saakay lagu qaaday hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho. Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in ay xiligan ka dhax dagaalamayaan hoteelka, halka mid ah dableyda toogasho ku dileen ciidamada amniga. Goobta ayaa waxaa soo buuxiyay ciidamo...
Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay ayaa goor dhaw lagu qaaday hoteel ku yaalla wadada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ee Maka Al-Mukarama. Hotelka la weeraro oo lagu magacaabo Dayax Hotel ayaa ah mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo, waxaana lagu waramayaa in ilinka hore ee laga gallo...
Bana Alabed oo ah gabadh todobo jir ah oo reer Xalab ah oo caan ka noqotay Adduunka iyadoo Tweeter-ka qoraalo soo dhigi jirtay ayaa waraaq furan u dirtay madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump. Bana iyo qoyskeedu waxay Xalab ka soo qaxeen bishii Desembar markaas oo ay socotay daadgurayn loo samaynayay dad...
Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa Sabtida booqan doonta dalka Turkiga, waxaana la filayaa in ay halkaa kulan kula yeellato madaxweynaha dalka Turkiga . War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare May ayaa lagu sheegay in ay halkaa wada hadal kula yeelan doonto madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Labada masuul ayaa...