Saturday, September 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Soomaaliya Max’ed Cumar Carte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta oo Arbaco ah kulan deg deg ah ka yeelana doonaan gollaha wasiirada Soomaaliya xaalada abaarta ka jirta dalka. ‘’’ Shir deg deg ah oo looga hadlayo abaarta ka jirta dalka ayaan dooneynaa in aan...
Kadib fadhi wada jir ah oo maanta ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaannada gollaha shacabka iyo aqalka sare ayaa ugu danbeyntii lagu magacaabay gudi qabanqaabada doorashada madaxweynaha oo ka kooban 16 xubnood. Gudiga ayaa waxaa laga soo dhax xulay xildhibaannada labada aqal, waxaana muuqata in lagu saleeyay qaabka 4.5ka oo...
Dadweynaha magaaladda Hargeysa, ayaa si weyn uga diidhiyey sicir bararka ka jirta lacagta iyo maceeshadda oo la korodhay, taas oo danyartii saameyn weyn ku yeelatay. Ganacsatadda yaryar ee suuqa gobonimo ee magaaladda Hargeysa ayaa mudaharaad ku muujiyey qiimo jabka ku yimid shilling Somaliland,isla markaana xukuumadda baaq u diray inay sicir...
Shir ku saabsan istaraatiijiyada shaqo ee hayadaha samafalka ee maxaliga ah ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Nairobi. Shirka ayaa ahaa labo qeybood; qeyb subixii ah iyo qeyb galabkii ah. Saaka ayaa waxaa dhacday qeybtii hore oo hayadaha maxaliga ah lagu marti qaaday. Qeybta galabkii ah oo socota haatan...
Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigiinkiisa haweeneey door weyn ka ciyaartay in kooxaha mucaaradka ay u midoobaan sidii ay awoodda uga qaadi lahaayeen madaxweynihi hore Yahya Jammeh. Magacaabista Fatoumata Tambajang ayaa imanaysa iyadoo gudaha dalka ay ka soconayaan diyaargaroow lagu soo dhaweynayo madaxweyne...
Kadib kulan wada jir ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho xildhibaannada  gollaha shacabka iyo aqalka sare oo looga arinsanayay doorashada madaxweynaha ayaa leysku afgartay lix qodob oo hor dhac u ah doorashada madaxweynaha. Labada aqal ayaa isku afgartay in tirada gudiga doorashada laga dhigo 16 xubnood oo 10...
Wasiirada Wadamada IGAD ee qaabilsan dhirta, beeraha daaqa iyo kahortaga abaaraha ayaa shir ay ku yeesheen magadaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya waxay ku daah fureen Mashruuc  iskaashi kahortaga abaaraha gobolka iyo isu gudbida xuduudaha ee dadka iyo xoolahaba sidii horumar loogu gaari  lahaa. Shirka waxaa shir  gudoominayay wasiirka xanaanada...
Kulan wada jir ah oo looga arinsanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku yeeshaan magaalada Muqdisho markii ugu horeysay xildhibaannada golaha shacabka iyo aqalka sare ee Soomaaliya. Xildhibaannada maanta kulanka yeellanaya ayaa waxaa kala hogaaminaya guddoomiyaha gollaha shacabka Prof Max’ed Cismaan Jawaari iyo guddoomiyaha aqalka sare...
Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose, ayaa sheegay qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay uu saakay ka dhacay goob ay fariisan jireen ciidamada dowlada Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid culus oo siweyn looga wada maqlay inta badan degmada, waxaana ilaa iyo hada...
Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa gacanta ku dhigay hub saarnaa mid kamid ah maraakiibta ku xiran dakadda magaalada Kismaayo, hubkaa oo aan ilaa hadda la xaqiijin halka uu ku wajahnaa. Ciidamada ayaa qabtay Sanduuqyo waaweyn oo lagu soo dhex qariyay mid kamid ah Konteenarro siday shixnado ganacsi oo saarnaa...