Dalka Pakistan oo qarax ka dhacey ay ku dhinteen in ka badan 75 ruux.

0
528

Inta la xaqiijiyay 75 ruux ayaa ku dhimatay qarax uu fuliyay qof is miidaamiye ah oo ka dhacay masaajid caan ah oo ku yaalla Koonfurta Pakistan,sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in ruuxa weerarka gaystay uu miino tuuray ka dibna isku qarxiyay dadka suufiyada ah oo xadraynaya magaalada Sehwan ee gobolka Sindh.

Sawirro laga qaaday gudaha goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya dhulkii oo dhiig qariyay, iyadoo ay daadsan yihiin dhar iyo kabo sandal ah.

Weerarka ay ku dhinteen dadka badan waxaa cambaareeyay ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan,Nawaz Sharif.

Kooxda isku magacawda dawladda Islaamka ayaa sheegatay mas’uul inay ka tahay weerarka ka dhacay masaajidka caanka ka ahaa Koonfurta Pakistan.

Ugu danbeyntii, weerarkan ayaa ka mid noqonaya dhowr weerarrada ay ka geysato dalka Pakistan kooxda ISIS.

warsom2011@gmail.com