Saturday, September 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Max’ed Cimaan Jawaari ayaa ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya in ay ilaaliyaan islamarkaana dhowraan shaqada iyo waajibaadka u yaala gudiga qabanqaabada doorashada. Gaar ahaan Jawaari ayaa ugu baaqay dhamaan musharixiinta daneynaya in ay u tartamaan xilka madaxweynaha Jamhuuriyada ilaaliyaan jadwalka is diiwaangalinta musharixiinta...
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay shir ku saabsan wax ka qabashada abaaraha ka jira gobollada dalka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa shirkaasi kala qeybgalay,wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka, xildhibaanno ,safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mas’uuliyiin ka kala...
Hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa ka dalbeysa ciidamada AMISOM inay magdhaw ka bixiyaan 14 qof oo rayid ah oo ay sheegtay inay ku dileen gudaha Soomaaliya. War saxaafadeed maanta ay HRW kasoo saartay Nairobi ayaa lagu shaaciyay waxyaabihii ay kasoo ogaatay baaritaan ay dhawaan dilalkaa ku samaysay. 14ka...
Baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa isku raacay in la kordhiyo taageerada la siiyo Soomaaliya si loo xaqijiyo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho iyo ka hortaga kooxaha argagixisada ah. Xildhibaanada baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay isku afgarteen in laga dhigo dagaalka lagula jiro Al-shabaab dagaal...
Qaramada midoobey ayaa si adag uga hadashay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa oo lagu bartilmaameesaday hoteelka Dayax ee degmada Waabari. Afhayeen u hadlay QM oo lagu magacaabo Joseph Contreras ayaa sheegay in qaraxyadii shalay ka dhacay hotelka Dayax ay ahaayeen kuwo lagu qalqalgelinaayo howlaha...
Diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ka bilaabato xarunta Villa Hargeysa sida ay sheegeen gudiga qabanqaabada doorashada. Diiwaangalinta ayaa lagu wadaa in ay socto mudo saddex cisho ah, waxaana ay ku egtahay maalinta Axad ah todobaadka danbe oo la soo afjarayo is diiwaanglinta...
Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Maxamuud Faroole oo hada ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Muqdisho u baahan tahay in mar kale la soo celiyo maqaamkeedii hore. Mar uu xalay khubad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf aheyd oo uu soo qabanqaabiyay...
Lacago ayaa la doonayaa in laga uruuriyo hayadaha dawliga ah ee Soomaaliya si loogu saacido dadka abaaruhu saameeyeen. Qorshahaa ayaa loogaga hadlay shir xalay magaalada Muqdishu uu ku qabtay raisul wasaare ku-xigeenka 1aad ee dawlada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte. Shirkaa oo ahaa shir jaraaid ayaa uu uga warbixiyay go'aano arinkaa ku...
-Koox hubeysnayd ayaa xalay ku dhaawacday gudaha magaalada Boosaaso nabaddoon caan ah. Nabaddoonka ayaa waxaa lagu magacaabaa Muuse Xaaji Faarax. Nabaddoon Muuse ayaa aad looga yaqaan gobolka Bari. Waxaa uu ka mid yahay nabaddoonada aadka looga yaqaano gobolkaasi Bari waxaana lagu dhaawacay toogasho waqti uu ku sugnaa agagaarka masaajika Alrashiid. Waxaa durba...
Shir ku saabsan dhallinyarada Afrika ayaa lagu soo gabagabeeyay Addis Ababa Itoobiya shalay galinkii dambe. Shirkaa ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay dhallinyaro dalal badan oo qaarada Afrika kuyaala oo Soomaaliya ka mid tahay ka socday. Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Afrika. Shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii dhallinyaradu...