Wednesday, April 22, 2026
Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhaxe oo dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab. Wafdiga Raysal wasaaraha oo ay qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyaha maamulka...
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Saakay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay. Deegaanada ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 60-aad ayaa kala ah Daynuunaay iyo Moodo moodo oo kala hoostaga magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakada...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa kaga dhawaaqay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool dagaal ka dhan ah Ururka Al-shabaab. Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka Shabaab, isagoo ka hadlayay xaflad soo dhaweyn ah oo heerkeedu sareeyo oo loogu sameeyay degmada...
Bilayska dalka Kenya ayaa baaritaan ku haya nin ajnebi ah oo looga shakisan yahay inuu qorsheynayay inuu u safro Soomaaliya, si uu ugu biiro ururka Alshabaab. Warbixin uu sii daayay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Ilyaas Cabdulxamiid oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Canada uu kusii jeeday dhanka Soomaaliya...
Guddi Midowga Afrika (AUPRC) u qaabilsan Qaxootiga, iyo Barakacayaasha (IDPs) oo uu hoggaaminayo Danjire Adenkule J.M. King ayaa soo gebagebeeyey qiimeyn 5 maalmood ah oo ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo ballan-qaaday in Midowga Afrika uu sare u qaadi doono wax ka qabashada xaaladda bini'aadantinimo ee dalka. Guddigan ayaa wada-hadallo la...
Midowga Yurub ayaa muddo kordhin hor leh u sameeyay hawlgallada militari ee ay ka wadaan badda Soomaaliya iyo geeska afrika si ay u fuliyaan siyaasaddooda amniga iyo Difaaca. Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ciiddanka badda ee Atlanta  oo ka mid ah hawlgalladda milliteri ee EU-da, uu...
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Mohammed El-Amine Souef, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono ciidamada ammaanka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab. "Anigoo ku hadlaya magaca ATMIS, militariga, booliiska, iyo rayidka, waxaan ku celinayaa sida ay nooga go'an tahay inaan...
Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Washington ee dalka Mareykanka uu ka furmo Shirka u dhaxeeya hoggaamiyaasha Afrika iyo Madaxweynaha dalkaasi Mareykankanka Joe Biden. Inta badan hoggaamiyaasha dalalka Afrika ayaa maalmahii lasoo dhaafay ku qulqulaayay magaalada Washington, halkaas oo uu ka dhacayo shirka ay martigalineyso dowladda Mareykanka...
Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinimadda guddiga Maaliyadda ee taakuleynta ciidamada dib  u xoreynta deegaanada gobalka Hiiraan. War qoraal ah oo kasoo baxay gudoomiye Jeyte ayuu ku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo xaqiijin lahaa dadaalada amniga, xasiloonidda gobalka Hiiraan...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ugu geysteen baratamaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud nin ganacsade ah oo caan ka ahaa degmadaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa  fuliyay dilka ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur, kaasoo lagu dilay Kaalin Shidaal oo uu ku lahaa Xaafada Waaberi ee...