Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa goob fagaare ah kaga dhawaaqay balan qaad abaalmarin lacageed iyo cafis ku helayaan dagaalyahanada kooxda Al-shabaab ee ku sugan meelaha ay gacanta ku hayaan kooxda Shabaab.
Guddoomiye Jeyte ayaa dagaalyanahada Shabaab u balan qaaday aduun lacageed oo u dhaxeeya 10 kun ilaa...
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Xalay ku dilay Xaafada Xaawa taako ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose guddoomiyahii Dhalinyarada degmada, islamarkaana ahaa guddoomiye Waaxeedka Xaafada Xaawa taako Maxamed Xaaji Xasan.
Dilka guddoomiyaha ayaa la sheegay iney geysteen sadax nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo marxuumka ku dilay Xaafada Xaawa...
Weriyaha Afrika ee Idaacadda Norwey ee Afrika oo wareysi la yeeshay Maxamed Xaaji Ingiriis, oo ah cilmi-baare ka tirsan Waaxda Taariikhda Caalamiga ah ee London School of Economics and Political Science (LSE), oo cilmi-baaris ballaaran u sameeyay Al-shabaab. sanadihii la soo dhaafey.
Vegard Tjørhom: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre...
Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay beesha caalamka in la joogteeyo dhaqaalaha lagu bixinayo gurmadka abaaraha iyadoo 8.3 milyan oo qof la filayo in ay soo wajahdo xaalad cunto yaraan bartamaha sanadka 2023-ka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in in ka badan 7 milyan oo...
Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay mudo kordhinta loo sameynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa horay mudo kordhin hal sano ah u sameeyay madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, hayeeshee waxaa arintaasi...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday sideed ruux oo midi haweeney tahay, kuwaas oo loo haysto waxa loogu yeero argagixisanimo.
Kooxdaan Maanta ay Maxakama xukunada kala duwan ku riday ayaa la sheegay iney kawada shaqeeyeen dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo arbushaad ah, kuwaas oo...
Milateriga Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay in ay si bareer ah dadka rayidka ah uga barakiciyeen tuulooyin iyo magaalooyin ay ka qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macaawisleyda.
Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay, in istaraatiijiyada Al-Shabaab ay tahay sidii looga hortagi lahaa inay dadku xiriir la yeeshaan oo la shaqeeyaan...
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qayb galay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Minnesota isku soobax balaaran oo lagu taageerayay halganka dib u xoreynta dalka ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka hor jeedinaayay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid meelo...
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu beeniyay warqad saacadahii lasoo dhaafay si weyn loogu dhex faafinaayay baraha Bulshada, taasoo sheegaysay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu sharci ahaan u aqoonsaday doorashada kursiga HOP 086.
Kursigaan HOP 086 ayaa...
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Ruushka kaga qayb galay shir muhiim ah oo looga hadlayo arrimaha Dhallinyarada dunida Islaamka, waxaana marti gelisay shirkaan dowladda goonida isu maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga Fedaraalka Ruushka.
Shirkan oo...


















