Wednesday, April 22, 2026
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw xaqiijisay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Jenaraal Cabdullaahi Cali Caandood oo shirjaraa'id qabtay ayaa sheegay in ciidamada is garabaanaya...
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay siidaayeen lix ka tirsan Ciidamada dalka Jabuuti oo ay haysteen garabka hubaysan ee  FRUD, sida ay baahisay Warbaahinta dalka Itoobiya. Askartan ayay kooxdani ku qabsadeen weerar ay Jabhadda FRUD bishii October ee sannadkan ay ku qaaday xero ay lahaayeen ciidanka Jabuuti, halkaas...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo lagula beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya  deegaan u dhaw magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in kooxda Shabaab la beegsadeen gaari ay...
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah saxafi u olloleeya in laga foojignaado dhaqamada shisheeye, oo xabsiyada Somaliland ku jiray tan iyo 19, 8, 2021, ayaa ugu danbayn xabsiga laga sii daayay. Cabdimaalik oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu dhamaystay xukun laba sanno oo xabsi ah, ayaa sheegay in lagu qoonsaday...
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa lasoo warinaya iney kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidamada ayaa labadii cisho ee lasoo dhaafay howlgalo culus ka waday nawaaxiga deegaanka Ruunirgood oo la tilmaamay iney tahay deegaanka kaliya ee Al-shabaab haatan kaga sugan...
Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay go’aankii ay horey u gaareen Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaasi oo ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo askari oo katirsan ciidamada ATMIS ilaa 30ka Juun 2023, iyadoo la raacayo war-murtiyeedkii uu ansixiyay Golaha Nabadda...
Qaar kamid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay carruurtooda ku xareeyeen xerooyin ciidan oo kuyaalla magaalada Muqdisho, si loo askareeyo. Waalidiintan ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay iskusoo bax ay ka dhigeen xerada Mariiniska ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo la sheegay inay ku xaraysan yihiin dhallinyaro...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shaaciyay in ciidamada Soomaaliyeed ee Eritrea ku maqan ay dalka kusoo laaban doonaan dhammaadka bishaan illaa bisha January ee sannadka cusub. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhamaatay dib u dhacyadii ku imaan jiray dib usoo celinta ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka...
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu xil muhiim ah u magacaabo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Axmed Maxamed (Dhoobo). Mr. Dhoobo ayaa bishii November ee sannadkii 2019, mooshin uu dhiig ku daatay xilka looga tuuray. Mooshinkaas ayaa aad loola xiriiriyay inuu ka dambeeyay madaxweyne Deni,...
Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa si kulul uga jawaab celiyay ku dhawaaqista ciidamo la baxay badbaadada Koonfur Galbeed oo Shalay magaalada Baydhabo ay uga dhawaaqeen saraakiil ciidan oo ku sugan magaaladaasi. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa si cad u sheegay ineysan Koonfur Galbeed ka shaqeyn...