Ciidamada TPLF ayaa si rasmi ah u billaabay inay hubkii cuslaa ee ay haysteen ku wareejiyaan Ciidamada Qaranka ee Itoobiya, sida ku qeexnayd heshiiskii nabadeed ee ay wada gaareen iyaga iyo dowladda Itoobiya.
Sida laga soo xiganayo Warbaahinta gaarka u ah Ciidamada Qaranka Itoobiya, hub ka dhigista ayaa ka bilaabantay...
Wasiirka tacliinta sare ee dowladda Masar Ayman Ashour iyo dhiggiisa Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Qaahira ku kala saxiixday is-afgarad ku saabsan barnaamijka iskaashiga tacliinta sare ee 2023 ilaa 2026.
Is-afgaradka ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha waxbarashada sare ee Masar iyo Soomaaliya...
Safiirka Eritariya u jooga Ruushka Ambasador Petros Tsegay oo waraysi siiyay Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa sheegay in dowladda Itoobiya oo kaliya ay xaq u leedahay in Eritariya ay ka dalbato in ciidamada Eritariya ay ka baxaan dhulka Tigray.
Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arrintu ay hortaallo...
Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar, Sameh Shokry ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo isku xirka arrimaha danta labada dal.
Wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa booqanaya dalka Masar isagoo ka mid ah wafdi ka socda Soomaaliya oo uu...
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in aysan Puntland qaadan go’aan ay kaga go’ayso Soomaaliya inteeda kale.
Wasiirka oo maanta la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay qoraalkii kasoo baxay madaxtooyada Puntland inuu yahay mid lagu caddaynayo gorgortanka ay Puntland ka galayso qaddiyadaheeda dastuuriga ah.
Wasiir...
15 qof oo shacab ah oo kasoo jeeda beesha Xawaadle oo laga afduubay gobolka Hiiraan ayaa laga yaabaa inay colaad ka dhex abuurto beelaha Xawaale iyo Gaaljecel.
Ku dhawaad labo todobaad kahor, rag katirsan Alshabaab oo u dhashay beesha Gaaljecel, ayaa dad shacab ah oo safar ah oo kasoo jeeda...
Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee degaanka Soomaalida iyo Xafiiska Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida, ayaa waxaa lagaga hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida iyo arrimo kale.
Haddaba Shirkan jaraa'id oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen Warbaahinta kala duwan ee degaanka ka...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo maamulka Koonfur Galbeed u ah Caasimad ku meel gaarka ah.
Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Baydhabo ayaa la sheegaya inuu la xariiro furitaanka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya...
DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED
Puntland Government of Somalia
09 - January-2023
Go'aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska
hannaanka Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday
ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka
soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay
Dowladda Federaalka...
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta magacaabay guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.
Guddigaan uu magacaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la sheegay iney ka shaqeyn doonaan xiriirka iskaashi iyo saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxaana guddigaan uu ka kooban yahay 15 xubnood...


















