Monday, August 31, 2026
Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay heshay digniino caalami ah oo ku aadan waxyeelada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka. Labada Sharoobo ayaa kala ah: AMBRONAL SYRUP iyo DOK-1 Max Syrup oo ay soo saarto shirkad lagu magacaabo MARION BIOTECH PVT. LTD...
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel xeero oo qiyaas ahaan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan u jirta 20 KM ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay maanta halkaasi ku gowraceen Qaarna Rasaas la Dhaceen in ka badan 300 oo neef oo ari ah. Arigaan ay Maanta Laayeen Al-Shabaab ayaa waxaa lahaa dad...
Mustafe Maxamed Martin oo ah shakhsi arrimaha siyaasada kaga faalooda baraha bulshada, isla markaana hore mucaarad ugu ahaan jiray xukuumada Somaliland, ayaa Hargaysa lagu xidhay. Martin oo ku nool dalka Maraykanka, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii isaga iyo xaaskiisu ay safar ku yimaadeen Somaliland todobaadkan, lamana oga sababta dhabta...
Faahfaahin dheeri kasoo baxaysa weerar ay habeenkii xalay deegaanka Balidhidin ee gobolka Bari ee Puntland ka geysteen dagaamalayaal katirsan kooxda Daacish. Wararka aan helayno waxay sheegayaan in iska hor imaad dhex maray dablay katirsan Daacish iyo ciidamada Puntland uu dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac. Kooxda Daacish ayaa weerartay saldhig ay...
Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyootay weerar ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya oo lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen Injineero iyo shaqaalo ku howlana dhismaha wado tareen oo isku xireysa dalalka Kenya iyo Itoobiya. Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa qarax miino oo wadada...
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa macaawisleyda ayaa burburiyay labo gaari oo la sheegay inay Alshabaab qaraxyo kasoo buuxiyeen. Ciidamada ayaa howlgalkaan ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelada dhexe, waxayna saraakiisha ciidamadu sheegeen in Alshabaab ay qorsheynayeen inay weeraro ka fuliyaan gobolka Shabeelada dhexe. Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa si weyn u ilaalisay nidaamka federalaynta iyo dib u daadajinta dalka. Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqday mid looga jawaabayay eedayn dhawaan kasoo yeertay madaxweynaha Puntland oo sheegay in dowladda federalku ka shaqeynayso sidii dalka dib loogu celin lahaa nidaamkii uu...
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay dowladda Soomaliya diyaar u tahay inay Puntland gorgortan kala gasho arrimaha ay ka tabanayso dastuurka dalka iyo federalka. Wasiir Fiqi oo maanta ka hadlayay shirka arrimaha garsoorka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wada hadalku noqdo albaab furan, si...
Odayaal reer Laascaanood ah ayaa xukuumada Somaliland kala hadlay kiiska nin shacab ah, oo dhawaan ciidamada millaterigu ku toogteen magaalada Laascaanood. Waxa ay sheegeen in wasiirada ay odayaashu la kulmeen ay ugu tageen si ay ugala hadlaan, arrinta mid kamid ah shacabka magaalada oo maalmo ka hor ay ciidamadu toogteen...
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ee Dastuurka dalka kaga aadan inuu yahay in sanadkaan laga saarayo qabyada oo la dhameystiro. Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan sii shaqeyn karin hadaan la dhameystirin Dastuurka oo ah mid kala...