Monday, August 31, 2026
Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si rasmi ah u bilaabatay howl gal xaqiijin ah si ay u qiimeyso u diyaargarowga Soomaaliya ee ku biirista ururkan. Saraakiil sarsare oo ka socda dhammaan dowladaha xubnaha ka ah EAC ayaa howlaha qiimaynta geedi socodka maanta oo Arbaco ah ka billaabay magaalada Muqdisho. Kooxaha xaqiijinta...
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa sheegay inay billaabeen howlgal guri guri loogu baarayo, kadib hoobiyayaashii shalay lagu garaaacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay soo qabanayaan dadka guryaha hubka iyo qaraxyada ugu haya kooxda Alshabaab, isagoo sheegay inaan loo dulqaadan karin in maalin kasta shacabka lagu dhibaateeyo...
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad militeri oo la toogtay xilli dul mareysay inta u dhexeysa hawada Goma ee DR Congo iyo magaalada Gisenyi ee dhinaca Rwanda. Dowladda Rwanda ayaa sheegay inay qaadday tallaabo ay isku difaaceyso oo ka dhan ah diyaarad ay leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo...
Dhowr hoobiye oo geystay khasaare kala duwan oo aan weli la ogaan inta uu le’egyahay ayaa  lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Qaar kamid ah hoobiyayaasha ayaa ku dhacay agagaarka hotel SYL, wasaaradda wafaafinta iyo Ex-fiyoore oo ah xayndaabka madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay. Mid...
Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir gacanta ku dhigay koox eedeysanayaal ah oo dil iyo dhaawac kasoo geystay Magaalada Garowe, Kadibna usoo baxsaday Magaalada Muqdisho. Kooxdaan oo ka kooban seddex rag ah ayaa ku eedeysan in Magaalada Garowe kusoo dileen Muwaadin lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani, sidookale kusoo dhaawaceen Muwaadin Hanad Xasan...
 Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in maamulka gobolka Sool uu gacanta ciidanka ku jiro, waxaanu beeniyay warar sheegaya in ciidamo hubaysani ay Laascaanood soo galeen. Taani oo ka hadlayay madal ay kula sugnaayeen saraakiil sar sare oo ciidamada ka tirsan, ayaa sheegay in nabadgalyada gobolka Sool...
Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa  shaaca ka qaaday iney gacanta kusoo dhigeen Aabe Soomaaliyeed oo ku eedeysan inuu dil u geystay gabartiisa oo jirtay 6 libood 14-kii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023. Aabahaan ku eedeysan dilka gabartiisa yar uu u geystay ayaa magaciisa lagu sheegay Abuukar Xuseen Culusow, kaasoo la tilmaamay...
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay howlgal Shalay ciidamada dowlada ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Jenaraal Biixi ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid cir dhul ah oo ay ciidamada xoogga ka...
Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin kasoo saartay cawaaqib xumada ka dhalan karta abaaraha kusoo noqnoqday qaar badan oo katirsan deegaanadeeda, kadib shan xilli roobaad oo xiriir ah oo roobku aad ugu yaraa. Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Puntland u qaabilsan macluumaadka biyaha iyo dhulka, ayaa lagu sheegay in...
Ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa goor dhowayd ku guulaystay inay soo afjaraan kooxdii Alshabaab ee weerarka ku qaadday xarunta gbolka Banaadir. Maydadka Shabaabkii ka dhex dagaalamayay gudaha xarunta gobolka Banaadir ayaa lasoo bandhigay, kuwaas oo ay ciidamadu dileen, kadib howlgal saacado qaatay. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay...