Monday, May 25, 2026
Inta la xaqiijiyay shan askari oo ka tirsan ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ayaa geeriyootay sideed kalana dhaawacyo culus ayaa soo gaaray, kadib markii uu la rogmaday gaarigii ay saarnayeen oo ahaa nooca Soomaalida u taqaano Cabdibilaha. Gaariga Cabdibilaha ayaa askarta kula rogmaday nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo aheyd halka...
Ururada Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dilka weriye Axmed Maxamed Shakuur oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), kaasoo ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaanka Basra. Weriyahan ayaa la socday saraakiil ka tirsan hay’adda nabad Suggida, xilli uu socday howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen deegaanka Basra oo...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga Dalka oo ku geeriyooday Qarax miino oo lagula eegtay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa sheegay in Sarreeye...
Ugu yaraan 12 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay iyagoo ku sugnaa goob Ceel biyood laga qodayay oo kutaala deegaanka Gariley oo u dhaxeeya degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Dabley la rumaysan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab ayaa falkaan ka dambeeyay, iyagoo sidoo kale gubay  gaarigii Riiga...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo raysal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed oo muddo labo maalmood ah wada hadal uga socday magaalada Addis Ababa ayaa gaaray heshiis is-afagarad ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka labada dal. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh. ayaa isku afgartay in la...
Hoggaamiyaha Ahlu sunna Wal-jameeca Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya kula jiraan wada hadal ku saabsan sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka Alshabaab. Sheikh Shaakir oo wareysi siiyay BBC Soomaali, ayaa sheegay inaysan jirin sabab ay uga haraan dagaalka Alshabaab, isagoo soo dhoweeyay in dowladda iyo shacabku iska...
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa saakay si buuxda ula wareegay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ciidamadu howlgal qorsheysan ay hiirtii waaberi ka fuliyeen Basra. Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la wareegay tuulooyin badan oo hoos yimaada Basra, sida lagu sheegay war dowladda kasoo baxay. Dhammaan deegaannada...
Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federalka Soomaaliya Saleeebaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya dabagal ku hayso shaqsiyaad ku eedeysan inay maalgalin u sameeyaan kooxda Alshabaab. Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in hay’adaha baaristu ay si dhow ula socdaan dhaqdhaaqyada maaliyaddeed ee shaqsiyaadkan, isagoo tilmaamay in haddii dambigaas lagu helo...
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab. Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa...
Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in raad shidaal laga helay deegaanka Baha Dhamal  oo u dhow caasimada Hargaysa. Dareere madow oo shidaal u eg ayaa hal mar kasoo booday goob laga qodayay ceel-biyood sida lagu arkay muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada, isla markaana uu xaqiijiyay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland...