Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyey Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey laba Hindse Sharciyeed oo kala ahaa Qaraar la xiriira deegaannada laga xorreeyay Kooxda Shabaab iyo soo jeedinta magacaabista guddoomiye ku xigeenka cusub ee Bangiga Dhexe.
Kulan ayaa Golaha Wasiirrada waxay ku...
Waxaa maanta magaalada Maqalle ee gobolka Tigray gaaray Ergayga gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika Olusegun Obasanjo, iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxweynaha degaanka Tigray Debretsion G/Michael.
Obasanjo ayaa Maqalle u tagay si uu ugu kuur galo xaaladda gobolka Tigray iyo waliba waxa...
Golaha Midowga Afrika (AU) ayaa kulankiisii 1121-aad, ee la qabtay 11-kii bishaan November 2022, ku tixgaliyay codsi ka yimid Dowladda Soomaaliya ee ah dhimista ciidamada ATMIS.
Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki ayaa kaddib u gudbiyay qoraal golaha ammaanka (UNSC), si loo ansixiyo kordhinta dhimista (2,000) oo askari howlgalka ATMIS...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalo culus oo ku dhexmaray deegaanka Ceeldheere Buraale ciidamada dib u xureynta deegaanka oo garab ka helaya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Dagaalada ka dhacay deegaanka Ceeldheere Buraale oo ku yaala xaduuda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa la sheegay...
Ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo ay ciidamada Kenya la galeen kooxda Alshabaab.
Sida lagu sheegay war qoraal ah, Milateriga Kenya ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahannada ka dib markii ay isku dayeen in...
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaacisay in howlgalo qorsheysan iyo duqeymo cirka ah oo ay ciidamada xoogga dalka, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska...
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi, ayaa xilkii ka qaaday xeer ilaaliyihii guud iyo wasiirkii horumarinta iyo maalgashiga Somaliland.
Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Biixi uu xilkii ka qaaday Wasiirka Maalgashiga Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare, iyo Xeer Ilaaliyihii Guud Xasan Axmed Aadan.
Madaxweynaha ayaa wasiirka wasaarada maalgashiga...
Ugu yaraan todobo qof ayaa dhimatay kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay dukaan ku yaalla magaalada Chesapeake, ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.
Ninkan oo la rumeysan yahay inuu ahaa maareeyaha dukaanka caanka ah ee Walmart, ayaa rasaasta furay ka hor inta uusan...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsana ciidanka Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ee ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Askariga xukunka dilka toogashada lagu riday ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim, kaasoo ku eedeysan dil uu geystay nin lagu magacaabi...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay tiro ka badan 600 dagaalame oo katirsan AlShabaab in lagu dilay, sidoo kalena 1,200 lagu dhaawacay howlgallada ciidamada xooggu ku xoreeyeen in ka badan 68 deegaan.
Warbixin kasoo baxday xafiiska raysal wasaaraha oo looga hadlayay waxqabadka boqolka maalmood ee xukuumadda, ayaa lagu sheegay, inay dowladdu ku...


















