Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Shalay kooxda Al-shabaab ay ku qaaday guri ku yaala degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho oo ay ku sugnayeen dhaawacyo ka tirsana ciidanka Macawiisleeyda.
Wasiir Karoore ayaa sheegay in weerarkaas kooxda Al-shabaab ay ku dishay...
Wararka ka imaanaya degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in guri ku yaala degmadaasi uu haatan ka socdo weerar ku bilaawday qaraxo waa weyn.
Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu weeraray guri la sheegay inuu degan yahay Jenaraal ka tirsan Militariga Soomaaliya oo...
Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay leedahay hab dhaqankii dowladii Kacaanka marka la eego siday uga jawaabtay mudaharaadadii Somaliland ka dhacay.
Khadar oo ka hadlayay xuska maalinta dhagax-tuurka, ayaa sheegay in maalintani anay macno samaynayn madaama oo xukuumada hada joogtaa ay dishay...
Kadib dagaal saaka ka dhacay Laascaanood, xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ciidankeeda lasoo weeraray xili lagu guda jiro dadaalo nabad lagu raadinayo.
Warsaxaafadeed ay baahisay Wasaarada Arrimaha Guddaha Somaliland, ayaa lagu sheegay in kooxo hubaysan oo kasoo horjeeda in nabad laga dhaliyo magaalada, ay weerar kusoo qaadeen ciidamada, xili salaadiin...
Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo qarannimada Soomaaliya oo cagaheeda ku istaagi karta.
Madaxweyne Afwerki oo wareysi dheer siiyay warbaahinta dalkiisa, ayaa sheegay, Soomaaliya inay u baahan tahay xoojinta hay'addeeda madax-bannaan oo ay ku jiraan ciidamo difaac oo la aamini karo.
Afwerki wuxuu sheegay...
Qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland lala xisaabtamo oo maxkamad lagusoo taago dhibaatada ka socota magaalada Laascaanood.
Xildhibaanadan oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland inuu ciidamadiisa ku amray inay xasuuq ka geystaan magaalada Laascaanood.
Xildhibaan Cabdullaahi Rooble oo kamid ah...
Dagaal xoogan ayaa saaka waaberigii ka bilaabmay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo udhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa shacabka SSC.
Wararku waxay sheegayaan in ciidanka somaliland ay weerar kusoo qaadeen fadhiisin ay ciidanka SSC ku lahaayeen duleedka Laascaanood kadib halkaas uu dagaal ka qarxay.
Diryanka hubka waaweyn oo ay adeegsanayaan dhinacydu ayaa...
Warsaxafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga soo horjeestay qorshe mudo kororsi oo uu Xisbiga sheegay in la damacsan yahay in loo sameeyo hay'addaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in nasiib...
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday laba askari oo ka tirsana ciidanka dowladda oo lagu kala magacaabo Cali Cumar Axmed iyo Muuse Cali Nuur, kuwaas oo horay dil qorsheysan ugu geystay marxuum lagu magacaabi jiray Yuusuf Cabdi Axmed.
Labada askari ee...
Xoghayaha Guud ee dallada bulshada bariga Afrika ee EAC, Peter Mathuki ayaa wada hadal la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka wada hadleen Shirka Midowga Afrika.
Mathuki ayaa uga warbixiyay madaxweyne Xasan halka uu marayo codsiga Soomaaliya ee ku aadan ka mid noqoshada ururkan iyo arrimo kale...


















