Golaha Nabadda Koonfur Galbeed oo Kulamo La Yeeshay Dhinacyada Laftaganeen iyo Aadan Madoobe.

0
7

Golaha Nabadda, Midnimada iyo Horumarka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ay marayaan meel wanaagsan, kaddib kulamo ay la yeesheen dhinacyada isku haya siyaasadda maamulka.

Golaha oo ay ku mideysan yihiin culimo, ganacsato, haween, dhallinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada Koonfur Galbeed, ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, halkaas oo ay kaga warbixiyeen dadaallada ay wadaan iyo kulamadii ay la yeesheen dhinacyada ay khuseyso khilaafka.

Goluhu wuxuu sheegay inuu yahay gole ka madax-bannaan dhinacyada siyaasadeed ee isku haya maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana uu isu xilqaamay sidii loo heli lahaa xal nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka.

Sida lagu sheegay war-murtiyeedka golaha, xubnuhu waxay kulamo kala duwan la yeesheen ururrada bulshada rayidka ah ee Koonfur Galbeed iyo jaaliyadda maamulkaas ee ku nool Nairobi.

Waxay sidoo kale kulamo la yeesheen hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, kuwaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 29-kii Agoosto iyo 7-dii Sebtembar 2026.

Golaha ayaa intaas kadib Nairobi kula kulmay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kulamadaas oo dhacay intii u dhexeysay 18-kii iyo 19-kii Sebtembar.

Goluhu wuxuu sheegay in labada dhinac loogu baaqay inay nabad qaataan, khilaafkana lagu dhammeeyo wada-hadallo siyaasadeed oo ka tarjumaya danaha shacabka, kuna saleysan hannaan sharciyeed la isku halleyn karo oo ay dhinacyadu wada oggol yihiin.

“Qodobka ugu muhiimsan ee aanu dul-saaranahay waa xabbad-joojinta,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha golaha, isagoo sheegay in xabbad-joojintu tahay tallaabada ugu horreysa ee loo baahan yahay in laga bilaabo wada-hadallada.

Wuxuu sheegay in weli ay jiraan shaqooyin badan oo u baahan in la dhammaystiro, balse uu goluhu doonayo in labada dhinac lagu fahamsiiyo muhiimadda ay leedahay in marka hore la sugo xabbad-joojinta.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in bulshada Koonfur Galbeed ee ku nool gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba ay si weyn u taageersan yihiin dadaallada nabadeed, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ka qayb qaataan dadaallada lagu soo afjarayo khilaafka.

Maxamed Cabdi Nuur oo ka tirsan golaha ayaa sheegay in goluhu sii wadi doono dadaallada nabadeed iyo kulamada uu la yeelanayo dhinacyada ay khuseyso xaaladda Koonfur Galbeed.