Shan shaqaale oo ajnabi ah ayaa lagu dilay markabka MT Honer 25, ka hor inta aysan ciidamada Ilaalada Badda ee Puntland bilaabin hawlgal ay ku soo badbaadiyeen markabka oo ay burcad-badeeddu xoog ku haysteen.
Sida ay sheegtay Puntland, shaqaalaha la dilay ayaa kala ah saddex u dhashay Pakistan, hal qof oo u dhashay Myanmar iyo hal qof oo u dhashay Hindiya. Afar shaqaale oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, kuwaas oo saddex ka mid ah ay Pakistani yihiin, halka midka kalena uu yahay Hindi.
Ciidanka Ilaalada Badda ee Puntland ayaa sheegay inay saacado kooban ku soo gabagabeeyeen hawlgalka lagu soo badbaadiyay markabka, kaas oo hadda nabad qaba, kuna jira gacanta ciidamada PMPF.
Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay 16 ka mid ah burcad-badeedda, halka xubno kale oo ka baxsaday goobta ay ciidamada weli ku raad-joogaan.
Puntland ayaa sheegtay inay hayso xog ku saabsan goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha baxsaday, iyadoo ay socdaan hawlgallo lagu soo qabanayo.Puntland waxay sheegtay inay sii wadi doonto hawlgallada ka dhanka ah burcad-badeednimada, iyadoo ciidamadu ay heegan ku sii ahaan doonaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcad-badeednimada.





