Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka, Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labada dowladood.
Waxa uu ka tarjumaya heshiiskaan xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta nidaamka caafimaadka, tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha caafimaadka, wadaagidda khibradaha iyo cilmi-baarista, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, hirgelinta tiknoolajiyada dhijitaalka ah, iyo dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka.
Iskaashigan cusub ayaa sidoo kale looga gol leeyahay in lagu horumariyo tayada adeegyada caafimaadka iyo in la xoojiyo awoodda hay’adaha caafimaadka ee dalka, si loo gaarsiiyo bulshadu adeeg caafimaad oo tayo leh.
Wasiirradaha labada dal ayaa kulan gaar ah yeeshay, waxaana ay isla qateen muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka, iyagoo ku adkeeyay in heshiiskan is-afgaradka ah si hufan loo dhaqan-geliyo loona miro-dhaliyo natiijooyin muuqda oo ka tarjumaya danaha wadajirka ah ee labada dowladood.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu furo albaabada iskaashi ee cusub, isla markaana horseedo horumar muuqda oo dhinaca caafimaadka ah, gaar ahaan dhinacyada tababarka shaqaalaha, adeegyada hooyada iyo dhallaanka, iyo ka hortagga cudurrada dalka ka dillaaca.











