Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday laba nin oo lagu helay inay geysteen dilal iyo weerarro qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Labada nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Cali Iftin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed, Sida ay sheegtay maxkamaddu, eedeysanayaashan ayaa horey loogu soo oogay dacwado la xiriira falal amni-darro oo ay ka fuliyeen caasimadda.
Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka la fuliyay kaddib markii la soo gabagabeeyay dhammaan habraacyadii garsoorka, oo ay ku jireen baaritaanno, dacwad-oogid iyo difaac sharci oo la siiyay eedeysanayaasha.
Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan garsoorka ciidamada, raggan ayaa horey loo horgeeyay maxkamadda, waxaana lagu helay dambiyada loo heystay, kaddib markii la qiimeeyay caddeymo iyo marqaatiyo la xiriira kiiskooda.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sii wada qaadista kiisaska la xiriira dambiyada amniga, iyadoo dowladda federaalka ay adkeyneyso tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo isla xisaabtanka hay’adaha ammaanka.












