Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Turkiga caafimaad ugu qaaday laba ka mid ah dhallinyaradii dabayaaqadii bishii hore ku dhaawacmay rabshadihii Boorama, halkaas oo 19 qof ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen isku dhac dhex maray ciidamada iyo dhallinyaro gadoodsan.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa gacan ka geystay in labada dhallinyaro ay helaan daryeel caafimaad oo dalka dibaddiisa ah.
“Waxaan halkan mahadcelin uga celinayaa Wasiirka iyo cid kasta oo ku lug lahayd shaqadaas, iyo Ugaaskeenii Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. Annaguna caafimaad ayaan rajaynaynaa, Ilaahayna ha u naxariisto intii dhimatay,” mid ka mid ah dhallinyarada ayaa sida warbaahinta u sheegay.
Rabshadaha Boorama oo socday maalmo ayaa bishii December sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad u badan dhallinyaro, kadib markii shacabka magaalada Boorama ay ka gadoodeen munaasabadda buugga Xeer Ciise oo xukuumadda Somaliland ay oggolaatay in lagu qabto magaalada Boorama.
Ciidamada Somaliland ayaa lagu eedeeyay inay xabbad toos ah u adeegsadeen dhallinyaro aan hubaysnayn oo dareenkooda cabbirayay, iyadoo xukuumadda Somaliland ay guddi u saartay si baadhis loogu sameeyo wixii ka dhacay magaalada Boorama.
Sidoo kale, xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay iney bixisay magta dadkii ku dhintay rabshadaha, iyadoo sidoo kale sheegtay iney bixisay kharashka daaweynta dadkii dhaawacmay, oo qaarkood loo qaaday dalka Itoobiya.












