Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed.
Kulankan oo aan horey loo sii shaacin ajandihiisa ayaa yimid xilli ay jireen kala fogaansho siyaasadeed iyo is-aragtiyo kala duwan oo u dhexeeyay labada...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu bogaadisay shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir qabsoomida doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ka dhacday 25-kii bishii lasoo dhaaday ee December 2025.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib...
Murashax Madaxweyne – 2026
Prof. Mohamed Issak Idow
Cinwaan: Midnimada Qaranka, Dowladnimo Xooggan & Mustaqbal Soomaaliyeed
Taariikh: 04/01/2026
Goob: Muqdisho, Soomaaliya
Anigoo ah Murashax Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si cad ugu dhawaaqayaa in aragtidaydu ku dhisan tahay midnimo qaran, dowladnimo ku dhisan caddaalad, iyo mustaqbal ay Soomaalidu wada leeyihiin.
Soomaaliya maanta waxay maraysaa...
Qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid talaabada Israa’iil ay Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax banaan Soomaaliya.
Xubnahan isugu jira Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyay howlgallo amni oo ballaaran oo ay dhawaan fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday hogaamiyeyaal sare ee ka tirsan kooxda Al‑Shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in shirka...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ciidammada Maraykanku ay weerar culus ku qaadeen dalka Venezuela, isla markaana ay gacanta ku dhigeen Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, kaddib howlgallo militari oo xalay ka dhacay caasimadda Caracas iyo meelo kale oo dalka ka mid ah.
Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth...
Puntland ayaa ka soo saartay ciidamadii ugu badnaa ee ka dagaallamayay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu halkaas ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish.
Ciidamadan ayaa saakay laga soo daadgureeyay deegaanka Turmasaale, oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu adkaa ee Daacish,...
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u baahiyey magacyada xubnaha ku soo baxay goleyaasha deegaanka ee 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, kaddib doorashooyinkii ka qabsoomay magaalada Muqdisho 25-kii bishii hore.
Sida ay guddigu sheegeen, urur siyaasadeedka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa helay tirada...
Qaar kamid ah xildhibaanada iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka fogaato tallaabooyin saameyn ku yeelan kara dhaqaalaha, isu-socodka iyo amniga dadka ku nool Somaliland.
Bayaan wadajir ah oo ay maanta soo saareen ayay ku sheegeen in tallaabooyinka...
Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay, in Puntland aysan waxba ka beddelin mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya, isla markaana aysan marnaba taageersanayn go’itaanka Somaliland.
Wasiirka oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan wajahdo khataro caalami ah oo ay sabab u tahay sida...


















