Hawlgalka Kumeel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac ku saabsan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada.
War-saxaafadeed ay soo saartay UNTMIS ayaa lagu sheegay in khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay tahay in lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, halkii loo mari lahaa is-muquunin ama tallaabooyin horseedi kara iska hor imaad.
“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda Koonfur Galbeed. Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada waa in lagu xalliyaa wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay in xiisadaha isa soo taraya ay saameyn taban ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani’aadamnimo ee dalka, taasoo sii adkeyn karta duruufaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadahan sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya,” ayay UNTMIS ku dartay, iyadoo ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan dulqaad iyo mas’uuliyad.
Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac hubeysan, iyadoo ka digtay in xaaladdu haddii ay sii xumaato ay halis gelin karto guulihii laga gaaray horumarka iyo nabadda Soomaaliya.













