Dawladda Dalka Uganda oo Sheegtay in Hadii Dagaalka Bariga Dhexe Sii Socdo ay Garab Istaagi Doonaan Gumeystaha Israa’iil.

0
283

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Uganda, Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ku biiro dagaalka Bariga Dhexe haddii uu sii socdo, isaga oo si cad u muujiyay taageerada uu u hayo Israa’iil.

Qoraallo taxane ah oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), ayuu Kainerugaba ku sheegay in dunidu ay ka daashay colaadda ka socota Bariga Dhexe, isla markaana Israa’iil ay xaq u leedahay jiritaankeeda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in weerarada lagu hayo Israa’iil ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

Taliyaha ayaa si toos ah u sheegay in haddii la sii wado hadallada ku saabsan burburinta Israa’iil, Uganda ay si rasmi ah dagaalka uga qayb qaadan doonto, isaga oo yidhi: “Waxaan la safanahay Israa’iil.”

Qoraal kale oo markii dambe la tirtiray ayuu ku sheegay in ciidamada Uganda (UPDF) ay bilaabi doonaan hawlgallo milatari oo ay ku taageerayaan Israa’iil haddii dagaalku aanu si degdeg ah u istaagin. Sidoo kale, wuxuu xusay inuu gargaar milatari u fidiyay Mareykanka iyo Israa’iil.

Kainerugaba ayaa hadal muran dhaliyay ku sheegay in ciidamada Uganda ay awood u leeyihiin inay magaalada Tehran ku qabsadaan 72 saacadood gudahood iyada oo aan wax duqeyn ah la adeegsan, inkasta oo uunu caddeynin sida ay taasi u suurageli karto.

Dhanka kale, xidhka u dhexeeya Uganda iyo Israa’iil ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Kainerugaba uu dhawaan ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo taallo lagu maamuusayo Yonatan Netanyahu oo lagu dhejin doono garoonka Entebbe, halkaas oo uu ku geeriyooday intii lagu jiray hawlgalkii samatabbixinta ee 1976.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, oo ah aabaha Kainerugaba, ayaa muddo dheer xidhiidh dhow la leh Israa’iil, waxaana tallaabooyinkan cusub loo arkaa kuwo sii xoojinaya iskaashiga milatari iyo midka siyaasadeed ee labada dal, inkasta oo aan wali si rasmi ah dowladdu u shaacin go’aan ku saabsan ku lug lahaanshaha dagaalka.