Hoggaamiye sare oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Iska-caabbinta Islaamiga ah ee Xamas, Osama Xamdaan, ayaa si adag uga digay in mar kale dib loo soo noolaynayo qorshayaal lagu barakicinayo shacabka Falastiin, kuwaas oo uu sheegay in hadda loo marayo wadiiqooyin cusub, gaar ahaan hadallada la xiriira aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Isagoo...
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelisay dhamaan dalalka iyo Ururada Caalamiga ah ee taageeray ka hortaga damaca guracan ee Israa’iil ay ku dooneysay inay ku aqoonsato Somaliland.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa mahadcelin ballaaran loogu jeediyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee sida buuxda...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Istanbuul kulan gaar ah iyo shir jaraa’id la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Türkiye, Mudane Recep Tayyip Erdoğan, kaddib wada-hadallo qotodheer oo ay yeesheen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal uu ku saleysan yahay ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, la...
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah isla markaana aan la aqbali karin.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Istanbul kula qabtay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Recep Tayyip Erdoğan ayaa tilmaamay in horumar weyn laga gaaray...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeeshay kulan ay Soomaaliya dalbatay, kaas oo inta badan waddamadu ku cambaareeyeen aqoonsiga Somaliland ay siisay dowladda Israa’iil. Dhanka kale, Israa’iil ayaa difaacday go’aanka ay qaadatay.
Ku-xigeenka Wakiilka Israa’iil ee Qaramada Midoobay, Brett Jonathan Miller, ayaa ku dooday in Somaliland ay ahayd dal jira...
Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan degdeg ah oo wadajir ah ka yeeshay arrinta ku saabsan aqoonsi ay Israa’iil sheegtay inay siisay Somaliland, iyagoo si rasmi ah u soo saaray qaraar adag oo ay ku canbaareynayaan tallaabadaas.
Kulanka oo ahaa mid aan caadi ahayn, ayaa Baarlamaanka Federaalka...
Wasaarada Arrimaha Dibadda Israa'iil ayaa baahisay sawir muujinaya Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo la taagan Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil, Gideon Sar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil, oo isaga laftiisu baahiyay sawirka, ayaa sheegay in sawirada dabaaldegyada ee kasoo gaadhaya Somaliland ay yihiin kuwo muujinaya farxad iyo rajo mustaqbal oo...
Maamulka goboleedyada kala ah Koofur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Waqooyi Bari ayaa si adag uga soo horjeestay go’aanka Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku sheegay inuu ku aqoonsaday Somaliland.
Warsaxaafadeedyo kala duwan oo ay soo saareen afartan maamul goboleed ayaa si weyn waxay ugu cambaareeyeen go'aanka Netanyahu ee ah...
Xoghaynta Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in ururku uu kasoo horjeedo aqoonsiga Somaliland ee ay ku dhawaaqday Dowladda Israa’iil.
War-saxaafadeed ay soo saartay IGAD ayaa lagu caddeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay weli tahay dal xubin buuxda ka ah IGAD, isla markaana leh qaranimo buuxda, midnimo, iyo dhul si buuxda...
Dowladaha Kuwait, Jordan, Ciraaq iyo Yemen ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay go’aanka Israa’iil ee ah in ay aqoonsato Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay tallaabadan mid si cad uga hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida...


















