Tuesday, August 4, 2026
Dowladda India ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay dhowrista midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo iska fogeysay dhaq-dhaqaaqyada sii kordhaya ee gobolka ee lagu aqoonsanayo Somaliland. Intii lagu jiray war-saxaafadeed soo baxay Jimcihii maanta, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa sheegay in New Delhi ay ixtiraamayso madaxbannaanida...
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan kaalmadii Mareykanka ee la siin jiray dowladda Soomaaliya, iyadoo ku sababeeysay dhacdo lagu eedeeyay in mas’uuliyiin dalka ka tirsan ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP), isla markaana ay la wareegeen 76 tan oo gargaar cunto...
Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa shaacisay in shir degdeg ah la isugu yeerayo Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda, kaas oo qabsoomi doona Sabtida 10-ka Janaayo 2026, laguna qaban doono xarunta ururka ee magaalada Jeddah. Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda cakiran ee ka taagan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...
Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareysay booqashada uu wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa, taas oo ay ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Qayt, ayaa lagu sheegay in booqashadaasi ay...
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU PSC) ayaa si adag uga horyimid go’aanka hal dhinac ah ee Israa’iil ku aqoonsatay “Somaliland” inay tahay dal madax-bannaan. Golaha ayaa ku tilmaamay talaabadan mid khatar ku ah madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Goluhu wuxuu ku baaqay in go’aankan...
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Abdel Aati, ayaa maanta Talaadada ah ka qayb galay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo lagu qabtay qaab online ah, kadib codsiga Masar, si loo taageero midnimada, madax-bannaanida, iyo badbaadada dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirku wuxuu sheegay in aqoonsiga...
Wafdi sare oo ka socda dowladda Israa’iil oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Sa'ar, ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Waftiga oo xogtooda iyo amnigoodaba aad loo adkeeyay, ayaa waxa Sa'ar ku wehelinaya mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Israa’iil. Sida ay tabinayaan warbaahinta guddaha iyo...
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in musuq-maasuq ballaaran oo lagu eedeeyay dad Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota uu aad uga weynaan karo inta ay baarayaashu hadda heleen. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in warbixinaha la hayo ay muujinayaan $19 bilyan oo la dhacay, balse lacagta dhabta ah...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn ka yeeshay xaaladda amniga dalka, duulaankii Israel ee qaranimada Soomaaliya, iyo doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Muqdisho. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga dhageystay warbixin faahfaahsan oo uu Madaxweynaha ka bixiyay xaaladda guud ee dalka. Madaxweyne...
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha batroolka ee dowlad-goboleedyada dalka ayaa soo gabagabeeyay shir socday saddex cisho, kaas oo lagu gaaray is-afgarad mideysan oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo maamulka wadajirka ah ee kheyraadka batroolka iyo macdanta. Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Dahir Shire, ayaa sheegay in shirku uu...