Natiijada Doorashadii Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Maxkamada Sare Shaacisay kuna Raacday Tii ay Shaaciyeen Gudiga Doorashada iyo Soohdimaha Qaranka.

0
585

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir, ka dib markii guddiga doorashooyinka qaranka ay horey u soo saareen natiijo ku meel gaar ah.

Go’aankan oo lagu gaaray fadhigii Maxkamadda ee 8 March 2026, ayaa waxaa saxiixay dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda Sare, kuwaas oo ay hogaaminayey Dr. Abuubakar Axmed Cali.

Doorashada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qaybgalay 20 urur siyaasadeed, iyadoo loo tartamay 390 kursi, waxaana la diiwaangeliyay in ka badan 918,000 codbixiye, halka ku dhowaad 233,000 cod la dhiibtay.

Ururrada siyaasadeed ee doorashadaan ka qeyb ayaa waxa ay kuraasta u kala heleen, Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka oo ah Xisbiga Madaxweynaha Soomaaliya oo helay 177 kursi, Xisbiga Towfiiq ee uu hogaamiye Sheekh Shaakir oo helay 49 kursi halka axsaabta kale ay kala heleen kuraas ah, Ramaas oo heshay 42 kursi, Karaama oo heshay 39 kursi iyo Xisbiga Sincad oo helay 26 kursi

Maxkamadda ayaa sidoo kale caddeysay in aysan jirin cabasho rasmi ah oo laga soo gudbiyay natiijada doorashada muddadii sharciga ahayd, taas oo u ogolaatay in go’aanka ansixinta loo sameeyo si degdeg ah  sida ku xusan Qodobka 73aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

Qeybta Hoose ka Akhri Bayaanka Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda sare:-

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ansixisay Natiijada Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ansixisay Natiijada Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ansixisay Natiijada Doorashada Golayaasha Deegaanka ee Gobolka Banaadir