Tuesday, August 4, 2026
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa si cad ugu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, in aanay Itoobiya wax faa’iido ah ka helayn aqoonsiga Somaliland, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay magaalada Addis Ababa. Erdogan ayaa xusay in arrinta aqoonsiga Somaliland aysan dan u ahayn Itoobiya, isla markaana Turkigu...
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kaddib markii la xaqiijiyay aragtida bisha meelo ka tirsan gobollada dalka. Wasiirka oo goor dhow ka soo muuqday warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in aragtida bisha laga xaqiijiyay magaalooyin ay...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Urdun, Imaaraadka Carabta, Qatar, Indonesia, Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay go’aan ay Israa’iil ku sheegtay in dhulal ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto loo aqoonsado “dhul dowladeed”, iyada oo lagu deegaamaynayo dad Yuhuud ah. Bayaan wadajir ah oo...
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa xaqiijiyay in dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay joojisay taageeradii dhinaca amniga oo ay siin jirtay Soomaaliya, kaddib markii ay xukuumadda federaalku si rasmi ah uga baxday heshiisyadii u dhexeeyay labada dal. Wasiirku wuxuu caddeeyay in taageerada Imaaraadku...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday laba nin oo lagu helay inay geysteen dilal iyo weerarro qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Labada nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xasan Cali Iftin Buule (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim...
Guddida Dhaqanka Beelaha Gobolka Awdal ayaa beeniyay in lasoo xidhay nabada beelaha wada daga Awdal iyo Salal sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland 14-02-2026. Guddidu waxay sheegtay in ay bulshadu si weyn uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeedhay wasiirka, iyaga oo ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo aan...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Turkiga caafimaad ugu qaaday laba ka mid ah dhallinyaradii dabayaaqadii bishii hore ku dhaawacmay rabshadihii Boorama, halkaas oo 19 qof ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen isku dhac dhex maray ciidamada iyo dhallinyaro gadoodsan. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...
Dowladda Turkiga ayaa maanta u soo dirtay xeebaha Soomaaliya markabkeeda qodista  gunta-dheer ee Cagri Bey dalka, kaas oo wasiirka tamarta Turkigu sheegay in ay tahay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed oo ay Ankara ka fuliso meel ka baxsan xuduudaheeda badeed. Talaabadan ayuu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo ka...
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ciidamada hay’adda Socdaalka Maraykanaka ICE ay ka baxayaan Minneapolis, taasoo lagu tilmaamay tallaabo istiraatiiji ah oo lagu doonayo in diiradda lagu saaro fulinta sharciyada gudaha United States. Kaddib toddobaadyo howlgallo xooggan oo laga fuliyay magaalooyin ku yaalla gobolka Minnesota, waxaa la go’aamiyay in la...
Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelin doonto nidaam canshuur dhaaf loogu samaynayo badeecadaha ay dalkiisa u dhoofiyaan 53 dal oo Afrikaan ah, kuwaasi oo uu la leeleeyahay xidhiidho diblomaasiyadeed, laga bilaabo 1-da May 2026. Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa Sabtidii baahisay in tallaabadan ay qayb ka tahay xoojinta iskaashiga...