Eedeymo la Xiriira Faragelin Siyaasadeed uu ku Hayo Soomaaliya oo Dawladda Turkigu Beenisay.

0
4

Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana cadaadis ku saareyso mucaaradka si ay u taageerto dhinac siyaasadeed gaar ah.

Bayaan kasoo baxay waaxda xiriirka iyo warfaafinta madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin “kuwa aan waxba ka jirin” isla markaana loogu talagalay in lagu marin habaabiyo ra’yiga shacabka.

“Eedeymaha sheegaya in Turkigu uu faragelin ku hayo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya islamarkaana uu adeegsanayo awood milatari si uu cadaadis ugu saaro mucaaradka una taageero dhinac gaar ah waa kuwo gebi ahaanba been abuur ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya uu muddo dheer ku dhisnaa iskaashi sharciyeysan oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta amniga, xasilloonida iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya ay diiradda saarayaan dib-u-dhiska iyo tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, casriyeynta hay’adaha ammaanka iyo xoojinta awoodda la dagaallanka kooxaha hubeysan.

“Ciidamada Turkiga wax lug ah kuma laha doorashooyinka Soomaaliya ama khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo Ankara ay sheegtay inay taageersan tahay sii socoshada hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ixtiraamka rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka iyo warbaahinta in aan la rumeysan wararka ay ku tilmaantay dacaayadaha iyo xogaha marin habaabinta ah ee lagu dhaawacayo xiriirka qotoda dheer ee u dhaxeeya labada dal.