Hawlgal ka Billowday Dalka Liibiya Loogana Horjeedo Dadka Shari darada ah oo Muwaadiniin Soomaali ah Lagu Xirxiray.

0
8

Wararka ka imanaya caasimadda Tripoli ee dalka Libya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka iyo kooxo hubeysan ay tan iyo maalintii Jimcaha qabqabteen in ka badan 600 oo muhaajiriin ah, kadib howlgal ballaaran oo laga sameeyay xaafado kala duwan oo magaalada ah.

Dadka la qabtay waxaa ku jira Soomaali tiro badan. Warsame Cabdi Maxamed oo kamid ah Soomaalida ku nool Tripoli ayaa sheegay in in ka badan 300 oo Soomaali ah oo ay ku jiraan rag, haween iyo dad da’yo kala duwan leh lagu qabtay howlgalka.

Ilo wareedypo ayaa sheegaya in boolis iyo rag hubeysan ay baaritaanno ka sameeyeen xaafado badan, iyagoo dadka qaar kasoo qabtay guryahooda, halka kuwo kale laga qabtay waddooyinka, suuqyada iyo gaadiidka dadweynaha.

Muhaajiriin badan ayaa la sheegay in lagu qabtay xilli ay marayeen goobaha ganacsiga ama ay saarnaayeen gaadiidka dadweynaha, halka qaar kalena laga watay guryihii ay deganaayeen.

Howlgalkan ayaa cabsi weyn ku abuuray Soomaalida ku nool Tripoli, iyadoo dad badan ay sheegeen in aysan hadda dareemayn amni ay si xor ah ugu dhex socdaan magaalada.

Maamulka Libya wali si rasmi ah uma shaacin sababta ka dambeysa howlgalka. Si kastaba, dadka la qabtay ayaa la sheegay in wax laga weydiinayay sharciyadooda iyo dukumentiyada deganaanshaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dadka aan haysan waraaqaha rasmiga ah la xiray, mararka qaarna lala wareegay gaadiidkii ay saarnaayeen. Ilaa hadda lama oga goobaha loo qaaday dadka la qabtay, waxaana qoysas badan ay sheegeen inay waayeen xog ku saabsan ehelkooda.

Soomaalida ku nool magaalada ayaa sheegay in jahwareer iyo walaac sii kordhaya uu ka dhashay howlgalka, kadib markii xiriirka lala waayay dad badan oo la qabtay.