Shaqaalaha Markab Lagu Haysto Xeebaha Soomaaliya oo Eheladoodu Mudaharaad Cabasho ah Dhigeen.

0
5

Qoysaska qaar ka mid ah shaqaalaha markabka shidaalka ee lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa ka dhigay dibadbax magaalada Karachi, iyagoo dowladda Pakistan ka dalbaday in la sii daayo ehelladooda oo muddo 23 maalmood ah gacanta ugu jira burcad-badeed Soomaali ah.

Markabka MT Honour 25 oo wata calanka Palau ayaa la afduubtay 21-kii April meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha gobolka Puntland, xilli ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, kuwaas oo 10 kamid ahi Pakistani yihiin.

Ambreen Fatima oo kamid ahayd dadka dibadbaxa dhigay ayaa sheegtay in ninkeeda, Syed Hussain Yousuf oo ah injineer labaad oo markabka ka shaqeeya, uu hadda ku nool yahay “biyo wasakh ah oo taangiyada markabka ku jira” kadib markii ay gabaabsi noqdeen biyihii nadiifta ahaa.

Waxay sheegtay in gabadheeda isbitaal la dhigay labo maalmood sababo la xiriira walbahaar iyo cabsi, halka wiilkeeda 16 jirka ah oo ku jira imtixaanaadka sanadkan uu awoodi waayay inuu diiradda saaro waxbarashadiisa.

“Maskaxdiisu ma shaqeynayso. Wuxuu ka walwalsan yahay aabbihii, taas ayaana maskaxdiisa oo dhan haysata,” ayay tiri Fatima.

Shan qoys oo kamid ah ehellada la haystayaasha ayaa ku mudaharaaday buundada Native Jetty ee u dhow dekedda weyn ee Karachi, iyagoo watay boorar ay ku dalbanayeen in dowladdu dib ugu soo celiso dadkooda.

Qoysasku waxay sheegeen in shaqaalaha markabka ay mararka qaar si kooban ula soo xiriiraan qoysaskooda, islamarkaana ay u sheegeen in markabku ka dhammaaday biyo nadiif ah, ayna hadda cabbaan biyo wasakh ah isla markaana ay cunaan bariis la kariyey hal mar maalintii.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa sheegay in burcad-badeeddu aysan xiriir la sameyn dowladda Pakistan isla markaana aysan muujin wax rabitaan wadaxaajood.

Wuxuu sheegay in milkiilaha markabka uu wadaxaajood kula jiro burcad-badeedda isla markaana uu xiriir la leeyahay dowladda Soomaaliya oo Islamabad la wadaagaysa xogaha cusub.

Saraakiil ka tirsan safaaradda Pakistan ee Djibouti ayaa booqday Soomaaliya intii u dhaxaysay 7-da ilaa 10-ka May, waxaana loo sheegay in shaqaaluhu badqabaan, balse ciidamada Soomaaliya aysan weerari karin markabka maaddaama uu sido shidaal guban kara.

Ugu yaraan saddex markab ayaa bishii April lagu afduubtay xeebaha Puntland, taasoo keentay digniin heer khatar sare ah oo ay soo saartay hay’adda United Kingdom Maritime Trade Operations.