Tuesday, August 4, 2026
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, kuwaas oo ay hoggaaminayso guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka maanta ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u garab taagan tahay hirgelinta...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa si adag u cambaaraysay jadwal doorasho oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya, kaas oo xalay shaaciyay jadwalka doorashada golayaasha degaanka ee dowlad goboleedyada. Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku daray jadwalkiisa degmada Galgodogob ee gobolka Mudug,...
Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo saaxiibada kale ee beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in wada-hadalladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ay ku dhammaadeen natiijo la’aan. UNTMIS oo ay weheliyaan saaxiibbada caalamiga ah ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo sare oo ka...
MUHIIMAD GAAR AH Waxaa sharaf noo ah in Somali Election Magazine (SEM) ay si rasmi ah u soo bandhigto murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. SEM waxay diyaarinaysaa profile caalami ah oo heer sare ah oo ku saabsan murashaxa, kaas oo si xirfadeysan loo qaabeynayo, laguna soo bandhigayo: Taariikh...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud, ayaa cafis guud u fidiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab, isaga oo si gaar ah ugu baaqay dhallinyarada la marin-habaabiyay ee ku jira safkooda inay isa soo dhiibaan si nabad ahna dib ugu dhex milmaan bulshada Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku booriyay dagaalamayaasha Alshabaab inay si buuxda...
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku shaaciyay in wadaxaajoodkii uu la lahaa Dawladda Federaalka Soomaaliya uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kaddib maalmo wadahadalladu socdeen. Goluhu wuxuu sheegay in wadahadalka uu ku galay niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran, si xal loogu helo xaaladaha adag ee dalka ka jira,...
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war adag kasoo saartay xaaladda siyaasadeed ee cakiran, kaddib markii uu natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Qoraal lagu daabacay bogga X ee safaaradda ayaa lagu yiri: “Wada-hadalka iyo tanaasulka waa adag yihiin laakiin lama huraan, waxaana ku...
Uganda ayaa si rasmi ah u sagootisay ciidamo cusub oo ka tirsan cutubka 12-aad ee ilaalada Qaramada Midooby, kuwaas oo loo dirayo Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha taageerada nabadda. Xafladda sagootinta ayaa ka dhacday Xarunta Tababarka Nabadda iyo Taageerada Caalamiga ah (IPSO-TC) ee Ssingo. Isagoo la hadlayay ciidamada loo...
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay si cad u soo bandhigto heshiiska ay la gashay Israa’iil, isaga oo dhinaca kale digniin u diray dowladaha Masar iyo Turkiga oo si weyn uga soo horjeeda aqoonsiga Somaliland. Biixi ayaa sheegay in loo baahan yahay in...
Somaliland ayaa shaacisay inay diyaar u tahay inay Mareykanka la gasho heshiis la xidhiidha khayraadkeeda macdanta, isla markaana ay u oggolaato in Washington saldhigyo ciidan ku yeelato xeebaha Gacanka Cadmeed, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi. Wasiirka ayaa caddeeyay in Somaliland si...