Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadeeda ku sii hayn doonto Soomaaliya, xitaa haddii uu isbeddel ku yimaado howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, iyadoo Kampala tilmaamtay in joogitaankeeda Soomaaliya uu sii socon doono iyadoo loo marayo heshiis laba geesood ah oo ay la leedahay dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa...
Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate), ayaa maanta oo Khamiis ah, 13 Agoosto 2026, ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.
Maxamuud Cabdullaahi Axmed ayaa warqad uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku sheegay inuu si rasmi ah uga...
Puntland ayaa maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ku eedeysay sida uu ula dhaqmo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, iyadoo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, uu sheegay in maxaabiista loo hayo dano siyaasadeed iyo dhaqaale.
Wasiir Caydiid ayaa sheegay in maxaabiista laga helo dhaqaale, isagoo ku eedeeyay...
Golaha Siyaasiyiinta Puntland ayaa sheegay in hannaan kasta oo hub-ka-dhigis ah uu u baahan yahay heshiis bulsho, wadatashi loo dhan yahay iyo mabaadi’ cad oo hagaya, si loo xaqiijiyo caddaalad, sinaan iyo kalsoonida shacabka, loogana fogaado in hub-ka-dhigistu noqoto sabab dhalisa colaad sokeeye.
Golahan ayaa war-saxafadeed uu soo saaray ku...
Xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xuutiyiinta Yemen, Mohammad al-Bukhaiti, ayaa sheegay in kooxdu beegsan doonto joogitaan kasta oo militari ama sirdoon oo Israa’iil ku yeelato Soomaaliya iyo deegaannada kale ee ku dhow xuduudaha Yemen.
Al-Bukhaiti ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, sida ay baahisay warbaahinta Iran ee Tasnim, xilli ay sii...
WAR FARXAD LEH
# Cilmi-baarayaal iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Soo Jeediyey Talooyin ku Saabsan Xalka Khilaafka Siyaasadeed iyo Doorashada Qaranka
Cilmi-baarayaal, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday Jaamacado iyo Machadyo ku yaalla Soomaaliya iyo dalal kale ayaa si qoto dheer u falanqeeyey shirarka aan dhammaadka lahayn ee u dhexeeya Dowladda Federaalka...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka ay Dowladda Kolombiya ku aqoonsatay sheegashada Israa’iil ee ku aaddan madaxbannaanida Buuraleyda Golan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsiga noocan ahi uu yahay mid aan waxba ka jirin, isla markaana uu ka hor imaanayo sharciga caalamiga ah, Axdiga Qaramada...
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Xafladda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka...
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xorriyaddeeda u soo celisay Sacdiya Macallin Cali, oo loo yaqaan Sacdiya Bajaaj, kaddib markii ay xabsiga ku jirtay 122 maalmood oo u dhiganta in ka badan afar bilood.
Maxkamaddu waxay laashay xukun saddex sano ah oo horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu ridday Sacdiya, iyadoo...
Dowladda Talyaaniga ayaa Soomaaliya ugu deeqaysa lix gaari oo gaashaaman oo horey uga tirsanaa ciidanka booliska militariga ee dalkaasi, Carabinieri, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 170 kun oo euro.
Wareejinta gaadiidkan ayaa lagu sheegay hindise wareegto ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Talyaaniga, waxaana ansixiyay Guddiyada Arrimaha Dibadda...


















