Warar iyo Warbixino Isa Soo Taraya oo Tilmaamaya ”Xalka” Wada Hadalada u Dhexeeye Dawladda iyo Mucaaradka hadii ay Natiijo La’aan ku Dhamaadaan.

0
1

WAR FARXAD LEH

# Cilmi-baarayaal iyo Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo Soo Jeediyey Talooyin ku Saabsan Xalka Khilaafka Siyaasadeed iyo Doorashada Qaranka

Cilmi-baarayaal, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socday Jaamacado iyo Machadyo ku yaalla Soomaaliya iyo dalal kale ayaa si qoto dheer u falanqeeyey shirarka aan dhammaadka lahayn ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada Mucaaradka.

Kadib dood, falanqeyn iyo is-dhaafsi aragtiyo kala duwan, waxay khubaradu soo jeediyeen qodobo ay u arkaan inay noqon karaan waddo lagu xallin karo khilaafka siyaasadeed, laguna ilaalin karo sii socoshada hannaanka dowladnimada iyo doorashooyinka dalka.

# Qodobada Talo-soo-jeedinta

*1. Haddii shirka soo socda ee loo ballansan yahay laga waayo heshiis loo dhan yahay:**

*A.** Waa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhammaystirto doorashooyinka isku xigxiga ee Maamul Goboleedyada dalka, si hannaanka doorashooyinka iyo dowlad-dhiska dalku u sii socdo.

*B.* Marka la gaaro *15-ka May 2027*, haddii Alle idmo, haddii aan xal siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaarin khilaafka jira, waxaa la soo jeediyey in **Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira** uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee muddada shanta sano ee soo socota, iyadoo la raacayo Dastuurka iyo shuruucda dalka.

**C.** Tartanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa u tartami kara oo keliya murashax ka yimid **urur siyaasadeed ama xisbi siyaasadeed haysta sharciyadda iyo aqoonsiga rasmiga ah ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha* Kaas oo ka Qeyb galay Doorashooyinka isku Sidkan ee Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, sida ay dhigayaan Qawaaniinta dalka u Yaal.

Gunaanad

Cilmi-baarayaasha iyo aqoonyahannadu waxay carrabka ku adkeeyeen in Soomaaliya u baahan tahay *xasillooni siyaasadeed, heshiis qaran, ixtiraamka Dastuurka, sharciyadda hay’adaha dowladda iyo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay*.

Waxay sidoo kale ku boorriyeen Dowladda, Mucaaradka, siyaasiyiinta, ururrada bulshada rayidka ah iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrimaha qaranka inay mudnaanta siiyaan **danaha guud ee Soomaaliya*, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara dib-u-dhac, kala-qaybsanaan ama khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.

*Soomaaliya waxay u baahan tahay xal waara, heshiis siyaasadeed iyo doorasho lagu wada qanacsan yahay.

DHAMMAAD.