Dalka Talyaaniga oo Sheegay in Soomaaliya uu Siinayo Lix Baabuurta Gaashaaman ee Carabinieri Dalkaasi Isticmaalo.

0
9

Dowladda Talyaaniga ayaa Soomaaliya ugu deeqaysa lix gaari oo gaashaaman oo horey uga tirsanaa ciidanka booliska militariga ee dalkaasi, Carabinieri, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay 170 kun oo euro.

Wareejinta gaadiidkan ayaa lagu sheegay hindise wareegto ah oo ka soo baxay Wasaaradda Difaaca Talyaaniga, waxaana ansixiyay Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee labada aqal ee Baarlamaanka Talyaaniga.

Gaadiidka la siinayo Soomaaliya ayaa ah nooca VM-90P, kuwaas oo Talyaanigu sheegay in laga saaray adeegga ciidamada Carabinieri sababo la xiriira da’ ahaan iyo kharashka badan ee ku baxa dayactirkooda, iyo sidoo kale awooddooda hawlgal oo xaddidan.

Sida lagu sheegay warbixinta, gaadiidkan ayaa si tartiib ah loogu beddelay gaadiidka cusub ee VTLM Lince, kuwaas oo loo arko inay ka waxtar badan yihiin isla markaana amni ahaan ka wanaagsan yihiin.

Lixda gaari ayaa Soomaaliya lagu wareejinayaa si bilaash ah, waxaana qiimahooda guud lagu qiyaasay wax ka badan 170 kun oo euro.

Wasaaradda Difaaca Talyaaniga ayaa sheegtay in wareejintani aysan kharash dheeraad ah ku keenayn miisaaniyadda difaaca ee dalka.

Talyaanigu horay ayuu Soomaaliya ugu wareejiyay qalab ciidan iyo mid amni. Sannadkii 2025, Soomaaliya waxaa la gaarsiiyay qalab qiimihiisu ahaa ku dhowaad 50 kun oo euro, oo ay ku jireen qalabka lagu xakameeyo rabshadaha, dharka iyo agabka ciidanka, qalabka xafiisyada iyo agabka nadaafadda.

Waxaa sidoo kale jira deeq kale oo qalab ah oo qiimaheedu la mid yahay taas oo weli sugaysa oggolaanshaha.