Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka xun tahay in wadahadalladii siyaasadeed ee u dhexeeyay dhinacyada Soomaalida ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan, inkastoo dib loo bilaabay wada-hadalladaasi intii u dhaxaysay 13 illaa 15-ka May.
Bayaan ay soo saartay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ayay ku ammaantay dhinacyada dib u...
Danjiraha ay Israa'iil dhawaan u magacawday Somaliland, Michael Lotem, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland uu si degdeg ah ugu sii fidayo dhinacyo badan oo ay kamid yihiin amniga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo ganacsiga.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Israa’iiliga ah ee N12, Lotem waxa uu sheegay...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in muddo xileedka dowladda federaalka Soomaaliya uu si rasmi ah ku eg yahay 15-ka May 2027, isagoo xusay in arrintaas ay waafaqsan tahay dastuurka cusub ee la dhaqan geliyay, isla markaana aysan ahayn go’aan uu isagu gaar u qaatay.
Khudbad dheer...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka uu si rasmi ah u galay marxalad cusub oo loo guurayo nidaam dimuqraadi ah oo ku dhisan doorasho qof iyo cod ah, kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ee lala lahaa qaar kamid ah mucaaradka.
Warsaxaafadeed kasoo baxay...
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu sugayo war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saaraan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, kaas oo lagu caddeynayo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo jadwalka loo asteeyay, xilli wada-hadallada siyaasadeed ee Muqdisho ay galeen maalintoodii saddexaad.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa...
Dowladda Ruushka ayaa qorsheyneysa inay gargaar cunto soo gaarsiiso Soomaaliya si loo taageero bulshada nugul ee ay saameeyeen abaaraha, colaadaha iyo barakaca, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA).
Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha...
Qoysaska qaar ka mid ah shaqaalaha markabka shidaalka ee lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya ayaa ka dhigay dibadbax magaalada Karachi, iyagoo dowladda Pakistan ka dalbaday in la sii daayo ehelladooda oo muddo 23 maalmood ah gacanta ugu jira burcad-badeed Soomaali ah.
Markabka MT Honour 25 oo wata calanka Palau ayaa la...
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaanka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, sababo la xidhiidha xaaladda amni iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Ruto oo wareysi siiyay warbaahinta France 24 ayaa sheegay in qorshihii dib loogu furi lahaa xadka uu hakad galay kadib markii...
Guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullahi Shimbir, ayaa sheegay in doorasho kasta oo laga qabanayo gobolka ay tahay in lagu saleeyo wadatashi iyo sharciyad, isaga oo sheegay inaan maamulka gobolka lagala tashan qorsheyaasha doorashooyinka la sheegay in laga qabanayo Gedo.
Gudoomiye Shimbir ayaa sheegay in wada-hadallo ay kula yeesheen Dowladda Federaalka magaalada...
Dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay eedeymo lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Ankara ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana cadaadis ku saareyso mucaaradka si ay u taageerto dhinac siyaasadeed gaar ah.
Bayaan kasoo baxay waaxda xiriirka iyo warfaafinta madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegay in...


















