Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dhacdadu ay dhacday 17-kii Agoosto, waxaana lagu dilay Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo...
Shirkadda diyaaradaha qaranka Soomaaliya ee Somali Airlines ayaa la filayaa inay dib u bilowdo duulimaadyadeeda bisha Sebtembar 2026, in ka badan 35 sano kaddib markii ay joojisay howlaheeda, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991.
Ahmed Moalin, agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay diyaar-garowga dib...
Soomaaliya ayaa bisha soo socota si rasmi ah u bilaabaysa dhoofinta kalluunka ee dalka Shiinaha, kaddib markii Beijing ay badeecadaha ka yimaadda qaar ka mid ah dalalka Afrika siisay fursad ay ku galaan suuqeeda iyagoo aan bixin cashuur.
Heshiiska arrintan lagu dhaqan-gelinayo ayaa Muqdisho lagu kala saxiixday, waxaana dhinacyada Soomaaliya...
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadiisu ay fashiliyeen weerar ay maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabaab ah ku qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Bayaan uu soo saaray Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka, isla markaana ay muddo waday...
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay Soomaaliya si buuxda u qaadan lahayd mas’uuliyadda amniga dalka, kaddib sannado ay taageero ka helaysay beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka la ah.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer ay ka faa’iidaysanaysay taageero caalami...
Mareykanka ayaa muddo saddex bilood ah aan fulin duqeyn ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaa Puntland, iyadoo duqeyntii ugu dambeysay ay dhacday 6-dii May 2026, xilligaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda oo ku sugnaa buuraha Calmiskaad.
Xog ay soo bandhigtay New America, oo...
Xukuumadda Somaliland ayaa dowladaha Soomaaliya, Jabuuti iyo Turkiga ku eedaysay inay qayb ka yihiin faragelin dibadeed oo ay sheegtay in lagu hurinayay colaaddii muddada ku dhow sannadka ka taagnayd qaar ka mid ah deegaannada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Salal.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in...
Haweenay dhowaan ku umushay Isbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa meydkeeda laga helay gudaha isbitaalka kadib markii ay isdaldashay, iyadoo laamaha amnigu ay bilaabeen baadhitaan ku saabsan dhacdada.
Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf, ayaa isbitaalka timid toddobaad ka hor iyadoo uur leh, iyada oo halkaasi ku umushay, sida...
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo in ka badan 40 kun oo arday ay ku guuleysteen imtixaanka.
Natiijada ay Wasaaraddu shaacisay ayaa muujinaysa in imtixaanka ay u fariisteen 42,916 arday, kuwaas oo 40,037 arday...
Heshiis horudhac ah ayaa laga gaaray khilaafka Ciidamada Danab ee ku sugan xerada Ligle ee duleedka magaalada Garoowe, kuwaas oo hore uga tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa ka dhashay kulan xalay ka dhacay Garoowe, kaas oo dhexmaray Guddi uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo General...


















