Gudoomiyaha Barlamaanka ee Dhawaan La Doortay ”Jaamac” oo Xilkii Golaha Shacabka La Wareegay.

0
6

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.

Xafladda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa u mahadceliyay Guddigii Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale bogaadiyay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo hoggaankii ay soo muujisay intii ay ahayd ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhankeeda, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa uga mahadcelisay Guddigii Doorashada habkii ay u maareeyeen doorashadii Guddoomiyaha Golaha, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta iyo sii wadidda howlaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay inuu Golaha ku hoggaamin doono caddaalad, hufnaan iyo wadajir, isagoo ballanqaaday in mudnaanta koowaad la siin doono xoojinta howlaha sharci-dejinta iyo ilaalinta doorka dastuuriga ah ee Golaha.

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Golaha Shacabka uu si wadajir ah uga shaqeeyo danta guud iyo xaqiijinta yoolalka uu hiigsanayo.

Guddoomiye Jaamac ayaa ugu baaqay dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka inay si wadajir ah uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.