Laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ayaa degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dhacdadu ay dhacday 17-kii Agoosto, waxaana lagu dilay Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo da’diisu ahayd 50 sano, kuna dhashay degmada Ruunirgood.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Xasan Xusuleey wuxuu ka mid ahaa horjoogayaasha Alshabaab ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo mas’uul ka ahaa gaadiidka kooxda ee gobolka. Waxa kale oo uu horey u soo noqday madaxa waxa kooxda ugu yeerto “Sakawaadka” degmada Ruunirgood.
Wasaaradda ayaa sheegtay in labada dhallinyaro ah ay horjoogaha ka dileen goob ka tirsan degmada, kadibna ay ka furteen qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in horjoogaha la dilay lagu eedeeyay inuu dadka deegaanka u geystay dhac hanti iyo xoolo, xannibaadyo iyo carqaladeyn lagu sameeyay isu-socodka degmada iyo deegaannada ku dhow.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in falalkaas ay sababeen in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay ka barakacaan degmada.













