Shirkii Kismaayo oo lagu waday inuu furmo gellinkii dambe ee maanta oo Arbaco ah ayaa mar kale dib u dhacay, taasoo Mas’uuliyiinta Jubba-land ay u sababeeyeen iyadoo Qaar ka mid ah xubnaha Beesha Calaamka shirka ka Qayb-geli lahaa aysan weli soo gaarin Kismaayo.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, C/nuur Cali Aadan oo...
Shir balaaran oo ay ka soo qeyb galeen aqoonyahano, siyaasiyiin, culumaa'udiin, indheer-garad iyo haween kasoo jeeda seddexdan qowmiyadood ee kala ah Banaadiri, Baraawe, iyo Bantu ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Columbus, Ohio.
Shirkaan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa durbaba soo dhaweeyeen iyo taageero baaxad leh ka helay...
Taliyaha qaybta booliiska gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale, ayaa sheegay inay qabteen Nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Ethiopia gaar ahaan qowmiyada Oromada oo lagu eedeeyay inuu ku qashay ilme yar oo Xamda lagu magacaabi jiray deegaanka Wadhan ee dulleedka galbeed ee Burco.
Taliyaha ciidanka booliska Togdheer Axmed Maxamuud Guutale...
Kulanka oo noqonaya kii ugu ballaaran oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhaca magaalada Beledweyne, ayaa waxaa ka qayb-gallay, siyaasiyiin, waxgarad, odayaal-dhaqameed, haween & dhallinyarro kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan.
Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ugu horreyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in shirka maanta ka...
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cusmaan oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenkiisa labaad, Mahad Cabdalla Cawad, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno baarlamaanka Somalia u metelaya shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Jawaari iyo Wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo...
Ardayda Jaamacadda Gaarisa ee dalka Kenya qaarkood ayaa maanta oo Isniin ah dib u billaabay waxbarashadoodii, kaddib sagaal bilood oo hakad ay ku jirtay waxbarashada Jaamacadda, xilligaasoo xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Jaamacadda ayna ku dileen 148-arday oo arday u badnaa.
Waxaa si aad ah loo adkeeyay...
Kulan ay isugu yimaadeen wasiiradda arrimaha dibadda ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa lagu cambaareeyay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyagoo dhanka kalena taageeray tallaabadii Sacuudigu xiriirka ugu jartay Iiraan.
Guddoomiyaha ururka Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-Carabi ayaa ku eedeeyay Dowladda Iiraan inay waddo...
Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo ayaa maanta khudbadiisii sannadlaha ahayd ka hor jeediyay labada gole ee Wakiillada iyo Guurtidda, isagoo khudbadiisa kusoo qaatay qodobo ay ka mid yihiin; siyaasadda arrimaha Dibadda, Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, Diiwan-gelinta iyo Doorashooyinka, Qiime-dhaca ku yimid shilinka Somaliland, adkeynta amniga, maamul-wanaaga, garsoorka iyo cadaaladda.
Khudbaddaan...
Nabaddoon Shuuriye Xuseen Xaayoow oo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ka mid ah, isla markaana ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ayaa Warbaahinta u sheegay in ay qaadaceen ka qayb-galka shirka degmada Jowhar ee lagu dhisayo maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Nabadoon Shuuriye...
Isbahaysiga haya Talada Jabuuti ee UMP ayaa xalay u doortay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle inuu yahay musharraxa ugu qayb-galaya tartanka doorashada madaxweynennimo ee dalka Jabuuti ka dhici doona sannadkan 2016-ka.
Dhawaan ayaa Madaxweynaha Jabuuti sheegay inuu doonayo in hoggaanka Jabuuti uu mar kale isku soo taago, isagoo xilka Jabuuti...


















