Saraakiil ka socday bangiga Adduunka oo Muqdisho soo gaaray, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Dowladda Somalia, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir.
Ujeeddada kulanka, ayaa ahayd in laga Wada-hadlo sidii Hay’adaha Bangiga Adduunka ay Muqdisho uga fulin lahaayeen Mashaariic Dib u dhiska Dalka qayb ka ah, Sida Dhismaha Waddooyinka burbursan ee ku yaalla Muqdisho.
Markii uu kulanku soo dhamaaday marka ayaa Waxaa Warbaahinta la Hadlay Afhayeenka Dowladda Hoose, C/fataax Cumar Xalane wuxuuna yiri. “Waxaan kawada hadalnay inuu ka fuliyo Bangiga Adduunku Muqdisho ka fuliyaan mashaariic lagu dhisayo Waddooyinka burbursan; sida tan Wadnaha,Warshadaha iyo kuwa kale oo dhex-mara. Waxaana meel isla dhignay in wadooyin dhowr ah la dhisi doono.”
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa Xusay inay Tusaale u tahay Waxqabadkooda Waddada aadda Dan-wadaagta ee la doonayo in loogu magacdaro Aasaasihii Ururkii SYL ee Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Horay ayay hay’ado ka socday dowladda Turkiga ay Muqdisho uga dhiseen 23-km oo laami ah, laakiin waxaa kuwo kale ku daray shacabka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya maamulka Dowladda Hoose ee Xamar.








